Wasiirka Amniga iyo laamaha amni ee hoos yimaada oo baarlamaanka laga wacay

Wararka Maanta

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa looga yeeray inuu hor-yimaado Baarlamaanka, si wax looga weydiiyo arrimo la xiriira howlaha shaqo ee Wasaaraddiisa.

Qoraal ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Buux ayaa laga dalbaday Wasiir Islow Ducaale in maalinta berri oo taariikhdu tahay 26 November inuu Baarlamaanka hor-yimaado.

Sidoo kale Wasiirka ayaa laga dalbaday in isaga oo ay la socdaan Hey’addaha hoos-taga wasaaraddiisa inay Baarlamaanka hor-yimaadaan, waxaana laga codsaday in balanka cusub uu soo ajiibo, kaddib markii shalay uu dib u dhac ku yimid balantii shalay.

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka oo muddo xileedkiisa uga dhiman muddo sanad ah ayaa bilaabay la xisaabtanka Wasiirada Xukuumadda, iyadoo horay Baarlamaanka loogaga yeeray Wasiirka gaadiidka duulista oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay ka qoreen Mooshin lagu dalbanayo inuu hor-yimaado Baarlamaanka.