Wasiirkii hore arimaha Gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa maanta wareejiyey xilkii wasiirnimo, waxaana xilka kala wareegay wasiirka cusub arimaha Gudaha Cabdi Siciid Juxa.
Xilwareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda, wasiir Odawaa ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebookga ku Sheegay sidan : “Maanta waxaan wareejiyay xilka wasaaradda arimaha gudaha oo aan hayay muddo dhan laba sano iyo laba bil. Muddada aan xilkaas hayay wax badana waa noo qabsoomeen in kalana waa noo qabsoomi waayeen. Waxaan u mahad celinaya dhamaan shaqaalaha wasaaradda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Shaqada baaxadaas leh ma noqon karto dhaliil la’aan, waxaan idinka raali galinayaa wixii aad iga dhibsateen oo aanan marnaba kas u sameeyn waxaana idinka codsanayaa in aad i cafisaan meel kasta ood joogtaan. Soomaaliya ha noolaato Guul iyo gobonimo”.
Wasiir Odawaa ayaa intii uu xilka hayey qabtay shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin dhismaha maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, sidoo kale dhameystirka Jubbaland iyo Koofur Galbeed.