Maraykanka oo beeniyay in Al-shabaab dileen Askri koodaa

Wararka Maanta

Ciidamada milatariga Maraykanka ayaa xaqiijiyey in xalay ay duqeyn ka gaysteen degaanka Daarasalaam ee u dhow magaalada Awdheegle, iyaga oo gacan siinayey ciidamada Soomaalida oo ay soo weerareen Al-Shabaab.

Maraykanku faah-faahin kama bixin khasaaraha ay duqyantaasi gaysatay, hase yeeshee waxay sheegeen in dhammaan askartii Maraykanka oo taageerayey kuwa Soomaalida ay soo wada laabteen iyaga oo bad qaba.

Waxaa warka lagu beeniyay in lagu dilay howlgalkaasi Askari Mareykan ah.

Al-Shabab ayaa sheegatay inay dishay askari Maraykan ah, isla markaana ay iska cabisay weerar uga yimid ciidamo Soomaali ah iyo kuwo Maraykan ah.