Ibraahim Bursaliid oo lagu xiray Nairobi

Wararka Maanta

Wararka ka imaanay magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo arrimaha siyaasadda ka faaloooda lagu xiray magaalada Nairobi.

Dr Bursaliid ayaa xalay laga kaxeystay gurigiisa, sida ay xaqiijiyeen ilo isaga ku dhow. “Waxaa tagay gurigiisa askar dhar cad ah oo soo u kexeeyay saldhig ciidan.”

Waa macallim jaamacedeed oo ku taqasusay arrimaha xiriirka caalamiga ah, kana faalooda xaaladaha Afrika iyo caalamka.

Ma cadda sababta loo xiray illaa iyo hadda. Wuxuu bare ka ahaa jaamacad ku taalla Nairobi.

Wuxuu BBC Somali u sameeyaa falanqeyn ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo caalamka.

Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo saaxiibo ay yihiin ayaa BBC Somali u xaqiijiyay xarigga, wuxuuna tilmaamay in ay qareenno u qabteen oo ay arrinta hadda ku howlan yihiin.

“Sababta xarigga war uma hayno, balse waxay ku qasban yihiin in 24 saacadood gudahood ay maxkamad ku keenaan”, ayuu yiri.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee Kenya ayaa dhankooda isku deyaya in la siidaayo Dr Ibraahim Faarax Bursaliid.

Xigasho: BBC