Arsenal Oo Heshiis Pierre-Emerick Aubameyang Soo Gaba Gabaynaysa

Ciyaaraha

Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay heshiis la gaartay Borussia Dortmund si ay ula soo saxiixato weeraryahanka Pierre Emerick Aubameyang.

Kooxda Jarmalka ayaa ku jirtay wadahadalo ku aadan  28 jirkaan, iyadoo Gunners u sheegtay inay ku qiimeyneyso 60 milyan oo ginni .

Sida laga soo xigtay wargeyska Sky Sports News, waxaa ugu dambeyntii lagu soo gabagabeeyay wadahadalada Arsenal ay ku heshiiyeen in ay bixiyaan .

Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaan ka hor inta uusan xirmin maalinta arbacada suuqa ayaa weli waxaa la wadaa dheelitirka, si kastaba ha ahaatee, BVB ayaa dooneysay inaysan iska iibin ilaa iyo inta ay ka soo qaadanayaan weeraryahan kale.

Aubameyang ayaa waxaa ooriyay qayb ka mid ah taageerayaashiisa intii ay socotay kulankii barbaraha 1-1 ay la galeen Freiburg, waana kulankiisii ugu horeysay ee Borussia Dortmund ka hor inta uusan bilaaban Christmas.

Olivier Giroud ayaa la fahamsan yahay inuu ahaa ciyaaryahanka ugu wanaagsanaa ee bedelaayo xiddiga heerka caalami ee dalka Gabon, laakiin wadahadalada ayaa burburay Isbuucii lasoo dhaafay.