Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaraha XFS oo London kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Wararka Maanta

Kulan  casho sharaf ah oo lagu soo dhaweenayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cumar Islow oo baryahan ku sugnaa dalkan Ingiriiska ayaa xalay lagu qabtay magaalada London.

Waxaa ka soo qeygalay  qaar kamid ah cayaaryahanadii hore ee Soomaaliya, waxaa kaloo marti sharafka kamid ahaa guddoomiyaha xiriirka cayaaraha fudud Marwo Khadiijo Aadan Axmed oo dhawaan wafdi ay hogaaminaysay kaga qeyb galay magaaladan London tartankii cayaaraha fudud ee aduunka.

Mudane Axmed Cumar Islow Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay qorshaha Wasaaradda ee ku aadan sidii loo horumarin lahaa sportska Soomaaliya, isagoo bogaadiyay dowrka bahda Ciyaaraha Soomaaliya ay ka qaadan karaan horumarinta Ciyaaraha Soomaaliya.

Qaar kamid ah dadkii goobta kahadlay ayaa uga warbixiyay Wasiir ku xigeenka xaaladda dhallinyarada iyo cayaaraha Qurba joogta ku sugan dalkan Ingiriiska, iyagoo xusay in ay Dolwadda Soomaaliya ay dhiirogelin uga baahanyihiin.

 

Xigasho:Sonna