Miisaaniyadda Xukuumadda ee 2018 oo Dhageysi Dadwayne Maanta la galinayo

Wararka Maanta

Sida uu sheegay in Guddiga Baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan Miisaaniyadda iyo Maaliyadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maanta oo Sabti ah kuna beegan 2-da December ay Dhageysi Gelinayaan Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadka Soo socda.

Ujeedka Dood Gelinta ayee Guddiga ku sheegeen in ay tahay in Xubno matalaya Qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay ku Marti qaadayaan ay Talo uruurin ka sameeyaan Miisaaniyadda Dowladda 2018-ka oo Baarlamaanka Guda Galay Aqrinteeda 20-kii December ee Sanadkaan.

Miisaaniyadda dowladda Soomaaliya ee Sanadka 2018ka ayaa gaareysa $274,640,19 Doollar (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).,waxaana 14-kii November meel mariyay Golaha Wasiirrada Soomaaliya.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Miisaaniyadda u tahay Mid ka badan lacagihii hore ee ay ansixin jireen, waxayna taasi keentay in Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ay Maanta Geliyaan Dhageysi Dad weyne kahor inta aysan Codka ansixinta ama Diidista u qaadin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Kolkii Baarlamaanka ay Ansixinayeen Miisaaniyadda ee 14-kii Tagtay ayaa sheegay in Miisaaniyadda ay tahay Mid Hab Casri ah ay u diyaareen, iska markaana ay ka talo Geliyeen Maamul Goboleedyada.

Lacagaha Tirada badane ay u qorsheeyeen in ay wax ugu qabtaan:- Waxbarashada, caafimaadka, oo weliba la qorsheynayo in Iskuulo lagu dhiso, iyadoo weliba miisaaniyad loo qoondeeyey in lagu xoojinayo  afka Soomaaliga taa oo la dhisayo xaruntii Akademiyada Afka Soomaaliga.