Duufaan ku dhufatay Mareykanka iyo Dowladda oo ku dhawaaqday musiibo Qaran

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Cabsi iyo wal wal xoogan ayaa ka taagan qaar kamid ah gobolada dalka Mareykanka, kadib markii Duufaanta loo yaqaano  Harvey ay gabaldhicii Jimcihi ku dhufatay  xeebaha gobolka Texas ee dalkan Mareykanka, iyadoo Dowlada Mareykankana ka digtay musiibo xoog leh oo ka dhalata duufaantan aadka u xoogan.

Donald Jey Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu saxiixay bayaan qeexaya in musiibo heer Federaal ah. Wuxuu sheegay in uu si dhaw ula socdo xaaladda Texas oo sababtay casbi xoogan oo soo wajahday bulshada Mareykanka oo kunool Gobolada Dhaca xeebaha dalkaasi.

Xarunta Duufaanada  ee Mareykanka  ayaa sheegtay in heerka darajada duufaanta oo awal aheyd sadex ay hadda kor ugu kacday qeybta afraad, taasoo ka dhigeysa in saacaddiiba ay duufaantu jareyso 250-km waxaana laga cabsi qabaa in ay ku sii faafto deegaano iyo magaalooyin hor leh.

Guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott ayaa sheegay in duufaanta Harvey ay noqon doonto masiibo, isaga oo uga digay shacabka inay u diyaar garoobaan fatahaad aanan caadi aheyn.

Duufaanta ayaa xalay soo dharbaaxday magaalada xeebta ku taalla ee Corpus Christi, waxaana hadda ay usoo jiheysatay dhinaca magaalada Houston iyo magaalooyinka kale ee dhaca dhinaca xeebta.

Magaalooyinka ku yaala xuduuda Mareykanka uu la wadaago dalka Mexico ayaa laga cabsi qabaa in duufaatu ay sii xoogan u saameyso.