Wariye lagu dilay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Wararka Maanta

Allaha u naxariistee Wariye Cabdirisaq Qaasim Iman oo ahaa CamerMan Talefishinka Somali Broadcasting Services (SBS) ayaa galabta lagu toogtay  wadada Via Liberia degmada Waaberi Magaalada Muqdisho.

Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa Wariyahaan laba xabadood madaxa kaga dhuftay, kadib muran dhex maray, wariyaha ayaa saarnaa Mooto Bajaaj, waxaana dhaawicii kasoo gaaray toogashadaas uu ugu geeriyooday isbitaalka.

Cabdirisaaq oo ahaa 20 jir ayaa noqonaya wariyihii ugu horeeyey ee sanadkan lagu dilo Soomaaliya, Suxufiyiinta ka shaqeeya gudaha Soomaaliya ayaa la kulma dil iyo tacadiyo kale. Waxaana inta badan dhibane u yihiin kooxaha ku hardamaya siyaasadda Soomaaliya.