Wareysiyada iyo u diyaar garoow la’aanta Mas’uuliyiinta.

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Dhibaatada Jirta ayaa Waxay tahay In inta badan Mas’uuliyiinta dowlada aysan Horay u sii diyaarsanin ama ugu diyaar garoobin Mowduuca ama Qodobada Wareysiyada ay bixinayaan Waana midda sababta in ay Had iyo jeer Qaladaad galaan ayagoo isticmaala Ereyo Aanan lasoo turxaan Bixin ama Mowduuc aanana Ku jirin Wareysiga ay Bixinayaan.

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa waxay tahay Ma Lataliyeyaashooda ayaa tayyo xun oo Aanan laheyn Khibrad latalineed oo Ku filan(Sufficient counseling skills) Mise Wey leeyihiin oo waanan ba lala soo tashan?

Xalka Kaliya ee u furan Mas’uuliyiinta ayaa¬† ah inay Mas’uuliyad iska saaraan Wareysiyada ay Bixiyaan Ka hor ayagoo sameyn Kara inay turxaan baxsadaan Qodobada Wareysigu Ku saabsan yahay Si ay Lataliyeyaashooda ugu diyaariyaan Qoraal Tifaftiran Mas’uuliyadna Ku laran tahay iyo xilkasnimo Si ay uga waabtaan Wariyaha U diyaar San in uu galiyo Xaalado sababi Kara in uu Qodobada Wareysigu Ku saabsan yahay Midaan aheyn la galo (Unless Articles Concern).oo sida dhacday Masuuliyiin badan Xilkooda ku waayeen.

Hadaba Mas’uul waxaa muhiim kuu ah inaad u soo diyaar garoowdo Ka hor intaadan Wareysiga Bixin Hadii kale waxaa dhacaysa in ugu yaraan Masuul kale oo Dowladda kugula jira beeniyo Hadalkaaga hadaanba Xilka laga qaadin

Waxaa loo baahanyahay Xilkas nimo Mas’uuliyadeed Si aysan kuugu soo Noqon Waxaad Ka hadashay, waxaa kaloo muhiim ah inaad erayada qaar Sharaxaad dheeri ah ka bixiso si Bulshada aad Matalayso kuu fahmaan ujeedka Rasmiga ah ee Waxa aad ka hadlayso.

W/Q Mohamed Ahmed Hosh