Jaamacado Xooggan Dalka wey ku yaalaan :

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Jaamacado Xooggan Dalka wey ku yaalaan :
———————————————————
2014kii Maalin sabti ah ayaan aroortii ku kalahay hoolka aan ku gali lahaa imtixaanka ogolaanshiyaha Jaamacad aan iska diwaan galiyay, walwal farabadan baan qabay oo waa caado imtixaanaadku leeyihiin, Kuliyada Engineeringka qeybteyda dhismaha ( Civil Engineering) ayaan subaxaas rabaa in la ii ogolaado oo la ii tijaabinayaa inaan bilaabi karo, Imtixaankii ayaa naloo keenay waana saddax maaddo oo muhiim u ah barashada Cilmigaan Math, Physics iyo Luuqada Englishka, Imtixaanka markaan dib maskaxdeyda u celiyo wuxuu ah mid adag oo badan, dhowr boqol oo arday ayaan ku galeynaa imtixaanka, qof kasta oo naga mid ah wuxuu ka fakarsanyahay in loo ogolaado jaamacadaan, waqti farabadan kadib oo aan qoreynay imtixaanka xaafadihii aan ka nimi ayaan u laabanay.

Usbuuc kadibna waxaa naloo balanshay natiijada wixii aan qornay, Waqtiga balantu wuu nagu dheeraa waxaase la joogaa subixii Darbiga laga fiirsan lahaa go’aanka laga gaaray warqadihii aan qornay, 200 oo arday baa ku baastay tijaabadii, qaar kalana wey dhaceen, 10kii arday ee ugu sareysay oo aan ka mid noqday ayaa la siiyay Scholarship dhameystiran oo Afarta sanno ee jaamacada ah, Shirkada Hormuud ayaa naga bixisay sida naloo sheegay. Jaamacadaas waxey ka tirsantahay ururo waxbarasho oo caalami ah, Ururka midowga jaamacadaha Carbeed, Ururka Midowga jaamacada Africa.

Waxey xiriiro wada shaqeyn oo aan ka faa’iidnay arday ahaan la leedahay jaamacado waaweyn oo kamid yihiin ; Jaamacada Malaya, Jaamacada Lincoln iyo kuwa kale. Waxey sidoo kale xiriir wada shaqeyn la leedahay shirkado waaweyn oo aan Xiliyada fasaxyada ka shaqeyn jirnay, tababarana nasiin jiray, Jaamacda waxey leedahay xarun cilmi baaris iyo tababaris oo wax soo saarta.

Maanta oo dunidu aad isugu furantahay, tiknoolajiguna uu cirkaa marayo waxaa aad ugu fudud qof walbaa inuu qiimeeyo oo isbarbardhig ku sameeyo waxbarashada dunida iyo teenna soomaaliya, waa sax in xarumo waxbarasho oo dalka ka jira qaar badan oo ka tirsan eysan mudneyn in ey shaqeeyaan, waana Wax aan dunida kala simanahay. waxaa dalka kuu yaala Jaamacado xoogan oo maray qiimeyno Caalami ah.

Engr Abdirizak Mohamad Adam
Hormuud University Alumni.