Warbixin: Wada hadalada Galmudug iyo Ahlu sunno

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa dhawaan la filayaa in uu magaalada Muqdisho ka bilowdo wada hadalka dowlad goboleedka Galmudug iyo maamulka Ahlu sunno.

Wada hadalkaan oo ay garwadeen ka tahay dowladda federaalka ayaa dib u dhac ku yimid xilligii la filayey inuu furmo oo aheyd 10 ka bishaan.

Dhanka Galmudug waxaa wada hadalka uga qeybgalaya 10 xubnood oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi, tobankaas xubnood ayaa isugu jira wasiiro iyo xildhibaano Galmudug.

Sidoo kale dhanka Galmudug waxaa jiri doona guddi xildhibaano u badan oo gaaraya ilaa 15 xubnood oo ah marjaca loola laabanayo talada.

Ahlu sunno ayaa la sheegayaa in sidaas oo kale 10 xubnood ku matali doonaan wada hadalka, waxaana wafdiga Ahlu sunno la filayaa inay maanta gaarayaan magaalada Muqdisho.

Alhu sunno ayaa horey u saluugtay qaabka loogu casuumay wada hadalka, waxayna ka biyadiideen in lagu casuumo magaca maamulka Ahlu sunno, iyagoo sheegay in ay yihiin dowlad goboleedka gobolada dhexe, inkastoo ay dowlada federaalka dib ka xalisay tabashadaas.

Wada hadalka ayaa la qiyaasayaa inuu furmo maalinimada Sabtiga, waxaana suurtagal ah inaysan labada dhinac is hor fadhiisan ee ay dowladu u kala dabqaado.

Shacabka Galmudug ayaa ka war dhowraya wada hadalka Muqdisho, waxayna rajeynayaa in tanaasul muujiyaan labada dhinac si loo gaaro midnimo iyo wadajir.

Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com