Hindiya oo ka hadashay 10 Badmaax oo ay soo badbaadiyeen ciidanka Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dowladda Hindiya ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celisay badbaadada toban muwaaddiniin Hindi ah oo u afduubnaa burcad badeedda Soomaalida ah.

Ciidamada amaanka Maamulka Galmudug ayaa shalay ku guuleystay in ay soo furtaan sideeddii qof ee ugu dambeysay oo ku harsanaa Gacanta Kooxaha Burcad Badeedda Soomaaliya kuwaas oo horay labo kale looga furtay.

Wasiiradda arrimaha dibadda Dowladda Hindiya Sushma Swaraj,ayaa hambalyo iyo mahadnaq u jeedisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,Maamul Goboleedka Galmudug iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sushma Swaraj,waxaa ay tiri : “ma soo koobi karno farxadda aan dareemeyno aad ayaan u faraxsannnahay,waxaan u mahad celinayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo naftooda u huray bad baadinta 10 ka mid ah muwaaddiniinta Hindiya oo gacanta ugu jiray Burcad Badeedda Soomaalida”.

Waxaa ay Mrs Sushma Swaraj,sidoo kale u mahad celisay Wakiilka Dowladda Hindiya ee Kenya oo ay sheegtay in iyada ay xogtaas ku wargelisay Dowladda iyo shacabka Hindiya.