WARBIXIN: Hal sano oo laga joogo markii la doortay Farmaajo

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sanad ka hor maanta oo kale loo dhaariyay gudashada wajibaadka Qaran ee ka saaran xilka Madaxweyne, markaas oo loo doortay.

8-February 2017 Doorasho ka dhacday Muqdisho ayaa Madaxweyne (Farmaajo) waxa uu kaga soo baxay si lama filaan ah musharaxiin gaarayay 22 oo kula tartamayay kursigaan.

Inkasta oo uu heestay taageero miisaan leh oo shacbiyadeed hadana ma badneen Rajada laga qabay inuu ku soo baxo doorashadaasi sababtoo ah waxaa jiray dabeecaddo badan oo laga bartay siyaasadda Soomaaliya.

Taas oo dad badan ay rumeysnaayeen inay aad uga yar tahay taageerada shacabka uu ka heesto Rajada laga qabo inuu ku guuleystay xilkan, Hase yeeshee doorashada oo ay codeynayeen labada gole ee Baarlamanka, wax uu ka mid noqday Saddex Musharax oo u soo gudbay wareegii labaad ee doorshada kuwaas oo kale ahaa

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed wallow wareegi ugu dambeeyay ay isugu soo hareen Madaxweyne (Farmaajo) iyo Madaxweynihii ka horeeyay ee Xasan Sheekh kaas oo isna markii dambe u tanaasulay sidaasna uu Madaxweynaha Soomaaliya ku noqday Maxamed C/laahi (Farmaajo).

Hadaba waxaa sanad jirsatay mudda xil heyntiisa waxaana jiray ballanqaadyo uu sameeyay intii uu Musharaxa ahaa sida.

Maxaa ka dhaqangalay ballanqaadyadaasi maxaase dhiman inkastoo aan Hal sano lagu go’aamin karin fulinta dhamaan balanqaadyadiis oo  Saddex sano ay u harsan tahay haddane sanad kadib maxaa lagu qiimeyn karaa wax qabad Madaxweyne Farmaajo.

Aqoonyahan Maxamed Cumar Meyre ayaa aaminsan in wax badan uu qabtay Madaxweynaha mudadii sanadka ahaa ee uu xilka hayay, welina ay harsan yihiin waxyaabo badan oo wax ka qabasho u baahan.

Sidoo kale waxqabadkii muuqday muda sanadka ah ee dowlada waxaa kamid in dalka dib loogu soo celiyo Soomaali badan oo ku xirnaa dalalka dibedda, bixinta mushahaarad shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. Hufnaanta maamulka maamulka maaliyadeed iyo arrimo kale.

Dhinaca kale waxaa isla sanadkaas jiray caqabado badan oo soo wajahay Dowladda oo dhaxalsiiyo guul darrooyin siyaasadeed iyo mid amni kuwaas oo ay kamid yihiin qaraxyo dalka ka dhacay oo kuu jiro qaraxii ugu weynaa ka dhaca abid qaaradda Afrika kaas oo ahaa kii ka dhacay isgoyska Soobe, dil loo geystay wasiir ka tirsanaa xukuumadda, qalal siyaasadeed oo ka dhashay mowqifkii dowladda arrimaha khaliijka oo sababay khilaaf saiyaasadeed oo soo kale dhexgalay dowladda iyo maamul goboleedyada qaar, dareen shacab oo ka dhashay go’aankii dowladda ee itoobiya ugu dhiibtay sargaalkii ka tirsanaa ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax), Xarig lagula kacay xubno mucaarad ku ah dowladda.

Muddo xileedka Madaxweyne (Farmaajo) waxaa uga haray Saddex sano waxaa horyaal shaqooyin badan oo laga sugayo inay qabto dowladda uu hoggaminayo waxaan ka mid ah waxyaabaha uu waa weyn ee laga sugayo dhameystirka dhismaha ciidamada Qaran isku dhafka ah u diyaarinta dalka in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo 2021 iyo in la dhameystiro Dastuurka qabya qoraalka ah ee hawshiisa ay socoto.

Iyadoo laga shidaal qaadanayo marxaladda ay hadda taagan tahay dowladda maku guuleysan karta hawsha laga sugayo muda u harsan.

W/D:- Mohamed Abdi Ali