Ururka Al-Qaacidda ayaa meelaha qaar ee Caalamka waxa uu ku leeyahay awood badan, wuxuuna ka xoog badan yahay kooxda yare ee Daacish, sida lagu sheegay warbixin qoraal ah oo ay saareen khubaro ka tirsan Hay’adda Qaramada Midoobay.
Waxa ay sheegtay Qaramada Midoobay in ururka Al-Qaacidda uu aad ugu awood badan yahay kooxda Daacish marka loo eego dalalka Soomaaliya iyo Yemen.
Waxaa kaloo warbixinta lagu sheegay in Al-Qaacidda ay awood ka badan midda kooxda Daacish ku leedahay Galbeedka Afrika iyo Koonfurta Aasiya, waxaanala la aaminsan yahay in Ururada xiriirka la leh Al-Qaacidda ay ka badan yihiin Daacish.
Sidoo kale waxaa la sheegay Ururka Al-Qaacidda uu halis ku yahay wadamo badan, oo magacyadooda aanay Qaramada Midoobay shaacin, kuwaasi oo ku yaalla Caalamka.
Warbixinta Qaramada Midoobay oo aheyd mid dheer ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Qaacidda ay qorsheyneyso weeraro culus oo ay dalalka caalamka ka fuliso, si awoodeeda urureed ay u muujiso.