warbixin: Farqiga u dhaxeeya Soomaalida maanta iyo kuwii hore

Qalinka Qoraaga

Waxaaan halkan ku soo gudbinayaa maqaal gaaban oo aan kaga hadli doona farqiga u dhaxeeyo Soomalida maanta iyo tii shalay, walaalayaal sida aad ka warqabtana dadka Soomaliyeed waxa ay ka mid yihiin shucuubta tirada badan ee ku nool caalamkan, waxa ayna dadka Soomaliyed haystaan nimcooyin badan oo ay yar tahay cid haystaa Gaal iyo Muslim, waxaana nimcooyinkaasi ka mid ah iyagoo alle ka dhigay dad isku diin ah, isku af, isku midab iyo isku dhaqan, laakin sidaas oo ay tahay hadana waxa ay maanta noqdeen dadka dunida ugu xun ee ku rafaadsan buqcad kasta oo ku taal dunidan, marka waxaan rabaa inaan maqaalkan uga hadlo bal farqiga u dhaxeeyo Soomalida maanta iyo tii hore.

Soomalidii hore

 

Soomalidii hore uma baahno inaan wax badan ka waramo maxaa yeelay waan ognahay waxa ay ahaayeen iyo taariikhdooda laakin si aan isu barbardhigno iyaga iyo Soomalida maanta waxa aan u baahannahay inaan wax ka niraahno si aan u helno farqiga u dhaxeeyo iyaga iyo kuwa maanta jooga, Walaalayaal Soomalidii hore waxa ay ahaayeen dad intooda badan xoolo dhaqato iyo kuwa beeraley ah, kuwaas oo si sharaf leh ugu noolaa dhulkii uu ilaah ku abuuray iyagoo dhaqanayo xoolaha uu alle ku maneystay sida Geela, Lo’da, Ariga iyo wixii soo raaca.

Waxa ay ahaayeen Soomalidii hore dad leh xeerar iyo dhaqamo wanaagsan oo intooda badan ka soo burqanayey diinta Islaamka, waxaana dhaqamadaasi ka mid ah geesinimada,deeqsinimada,martisoorka, iyo caawinta dadka maasaakiinta iyo kuwa kaloo badan, waxa ay ahaayeen dad qab leh oo u arko in cunsurka Soomaliga uu uunka ugu sareeyo, waxa ayna ku taamayeen in mar un la qotomiya dowlad xoogan (SOMALIWEYN) oo ka hanaqaada dhulalka ay Soomalidu ka degan tahay Geeska Africa, waxa ay xaqiijinta ahdaaftaasi u u hureen kumanaan kun, iyagoo la dagaalay Gumeystayaashii cadaa iyo kuwii Madoobaa.

Inkasta oo Soomalidii hore aysan ku nooleyn magaalooyin leh system dowladeed hadana Waxa ay ahaayeen dad neceb waxyaabo badan oo uu ugu horeeyo kufsiga,dilka dadka loo yaqaano birimageydada, dhaca, bililaqada iyo dawarsiga.waxa ay sidoo kale aad u necbaayeen in la gumeysto sida aan ka arki karno taariikhdeena, waxyaabaha cajiibka ah waxaa ka mid ah xitaa markii laga xuruubay Gumeysigii reer Yurub in Soomalidii diiday in afkii gumeystiyaashaasi lagu hadlo sida ay sameeyeen wadamo badan oo la soo gumeystay sida wadamada Galbeedka Africa iyo Koonfur America.

Gaba gabadii waxa aan dhihi karaa Soomalidii hore waxa ay ahaayeen dad is jecel oo cadowgooda si guud isaga celiya,waxa ayna dunida kaga tageen taariikh wanaagsan oo maanta baal dahab ah uga jirto guud ahaan taariikhda Wadankeena, waxaana ka xusi karaa Soomalidaasi Axmed Gurey, Sayid Maxamed Cabdille Xasan, Dhagaxtuur, Xaawo Taako iyo kuwa kaloo badan, kuwaasi oo la dagaalamay dhamaan Gumeystiyaashii soo hunguriyeey dhulka ciziga iyo sharafta ee ay Soomalida ku nooshahay.waxaana gunaanudki leeyahay ilaahay ha u naxariisto Soomalidii hore wixii danbi ah oo ka dhacayna ilaahay ha u dhaafo maadaama ay naf iyo maalba u hureen jirintaanka Umaddeena ayna ku guuleysteen iney taagaan dowlad Soomaliyeed oo xoog badan taasoo iyadana hamigeedu ahaa in la xaqiiyo dream-kii ahaa SOMALIWEYN.

Soomalida Maanta

 

Soomalida maanta waxa aan dhihi karaa waa Soomalidii ugu xumeyd ee soo marta qowmiyadda Soomalida ah, maxaa yeelay waxaa ay ka gudbeen dhamaan maxaariimtii ilaahay dadka ka reebay haday ahaan lahayd dhiig la daadiyo, dumar la kufsado bililiqo iyo dhac aan gabasho lahayn iyadoo waliba mararka qaar lagu faanayo, Intaasi kuma aysan ekaanin waxaa ay u soo horkaceen wadankoodii cadowgoodii soo jireenka ahaa ilaa ay soo dhex istaajiyeen caasimadoodii, waana wixii ugu xumaa ee ay Soomalida maanta sameyso.

Walaalayaal waxyaabaha ay Soomali sameysey, waa wax maanta oo dhan hadii la yiraahdo halaga sheekeeyo aan la soo koobi karin, maxaa yeelay waxa ay ku kaceen waa waxii ugu xumaa oo dad bani’aadam ku kaco, miyaad aragtay dad inta doomo lasaaro waliba iyadoo lacagi laga qaatay hadana badda bartankeeda lagu daadinayo iyadoo aan mar ahayn oo labo ahayn, ma waxaasi ayaad aragteen ama maqasheen ma jirto cid aan Soomali ahayan oo waxaasi sameyn karta.waxaa ka sii xun markii ay yiraahdeen waxaan kala jareynaa Jamhuuriyaddii la oran jiray Soomaliya halka dunida aan maanta ku noolnahay uu qof kasta doonayo isbahaysi iyo cid uu bah wadaag la noqdo, cajiib!!!!!

Waxyaabaha ay Soomalida maanta sameysay waxaa ugu qaabdaran markii dad Soomaliyeed oo aan in badan oo ka mid ah galin wax danbi hadana gacanta loo geliyo dowlado shisheeye, waxaan la yaabaa maamulada Hargeyso iyo Garoowe oo ku faanayo in ay dad Soomaliyeed u gacan geliyeen dowladd Itoobiya oo waliba ay ku jiraan gabdho yaa kariim, ma waxaasi baa qof muslim sheeganayo ku kici karaa?   Yaab badanaa, waxyaabihii iigu yaabka badnaa oo aan maqlo waxa ay ahayd in mid ka mid ah Madaxweyniyaashii soo maray kililka 5aad uu qaabilay wasiir ka socday dowladda CUBA, isagoo uga mahadceliyey gacantii ay Itoobiya ka siiyeen jibintii ciidamadii Soomaliya dagaalkii dhexmaray Soomaliya iyo Itoobiya 70 tameeyadii, waliba ninkaasi waxaan maqlay in uu ka mid ahaa caruurtii ka soo qaxday dagaalkaasi, markii waxbarashadiisa dugsiga sare uu ku dhameystayn gudaha Soomaliya ka dibna dibadda loogu diray waxbarasho kale.

Walaalayaal waxa aan isugeysaney hadaannahay Soomalida maanta ma aha wax qof caqli lehi uu ku fikiri karo ma waxa aad aragtay in qof Soomali ah inta madaxa laga soo gooya hadana dadka la horkeenayo, ma waxa aad maqashay in qof soo tukaday salaad subax inta la dilo hadana ilaahay loogu xamdinayo dilkiisa hadana diinbaan u dagaalameynaa lagu leeyahay.waxani ma aha waa qof caadi ah ka suurooba.

Ma waxaad maqasheen dumar hir ah oo iska socda sidii taaqaatiirtii aan xaduudda lahayn, waxyaabaha aan ku aragnay Soomalida maanta ma aha wax caadi, 2002 ayaa Nayroobi tagay anigoo ka imid Soomaliya, waxaa ku arkay dumar badan oo guryo u kireysan markaasaan weydiiyey dadkii maxay yihiin dumarkan meesha degan xitaa gabdho yar yar ayaa ku jiray, waxaana la iigu jawaabay waa dumar iskaabulo ah, waxa ay igu noqotay wax aan aad ula yaabay maxaa yeelay waxaan maqli jiray oo kaliya rag iskaabulo ah, waxaasi waxaa lagu arkay Soomalida maanta.

Waxyaabah nalagu arkay waayadan danbe waxaa ka mid ah niman la leeyahay waa Aqoonyanaho iyo Siyaasiyiin oo inta idacaado iyo Tv-yo lagu martiqaado si ay u taxliiliyaan arimaha wadankooda hadana aad la yaabeyso markaad hadaladooda dhegeysato, halka mararka qaarna aad ku wareereyso wadanka ay u dhasheen,waxaan daawaday mid ka mid ah Tv-yada Soomalida oo ay marti ku ahaayeen labo nin oo lagu sheegay iney aqoonyahano yihin waxana laga wareysaneyey arimaha u dhaxeeyo Wadankooda iyo Kenya, markaan dhegeystay hadalooda waxaan kala garan waayey iney Kenyaan ahaayeen iyo iney Soomali ahaayeen sababtoo ah maba moodid iney Soomali yihin, waxaadna la yaabeysaa sida ay carabka ugu adkeyn karin waxa danta wadankooda ugu jirt hadana waxa lagu leeyahay waxbaan naqaanaa.!!!  Waxaa iigu darnayd waayadan dad dowladdoodii oo joogta ku dhahayo Kenya ayaa nooroon oo maamul noo sameyneyso, waxa ka sii yaab badan ciidan la leeyahay waa ciidankii qalabka sida hadana gabdhihii umulaha ahaa iyo kuwii aan qaangaarin faraxumeynayo maalin kasta cajiib and cajiib, walaalayaal hadii ceebi loo dhimanayo inaga ayaaa u dhiman lahayn.  Waxaan qoslaa markaan maqlo dad la leeyahay wadankiini ayaa la idinku celinayaa oo hadana diidayo iyagoo waliba ku doodayo hanoola dhaafo qaxootinimadeena, sow tii laga faani jiray qaxootinimadu mahan yaab badanaa!!

 

Gabagabadii, waxaan leeyahay Soomaliyeey ceeb iyo foolxumo nooma harin dal iyo dibadba, hadaan dooneyno inaan sharaftii iyo karaamadii aan lahaan jirnay soo ceshano waxaa noo furan hal waddo oo kaliya, waana inaan taageernaa dowladdan hadda jirta maxaa yeelay waa wadada ugu dhow oo aan uga bixi karno fuulxumadaan.  Waxaana gunaanudkii leeyahay aan ilaahay u towbad keeno isna cafinno, dowladdaasi tabarta daranna aan taageero hiil iyo hooba la garab istaagno.

W/Q: Dr-khaled Mohamed Dama