Kabtan jilacsan kooxdiisu guul ma gaarto asagana kaalin ma hantiyo.

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Kabtan jilacsan kooxdiisu guul ma gaarto asagana kaalin ma hantiyo.

Umad kasta oo taariikh fiican sameysa ama nolosha meel sare ka gaarta kama dhalyo iyo lafa fiicna kuwa meelaha hoose daadsan ee waa ka hoggaamiyeyaal fiican yihiin, isla sidaas oo kale bulsho walba oo nolol ahaan liidata abtiris ahaan uma hooseeyaan ee waxaysan haysan hoggaamiyeyaal u sahan tagi kara kana gudbi kara meelo carriiri ah oo ay qasab tahay in la maro marka loo dagaallamayo gaarista iftiin meel fog ka baxaya.

Marka la rabo in laga gun gaaro hadafyo mug iyo miisaan leh oo ummadi wadaagto waxaa caadiyan qasab ah in loo shaqeeyo kooxo farsamo oo qeybiba wax gaar ah qaabilsan tahay isuguna soo biya shubta daweynta meesha nabarka ah ee la doonayo in caafimaadkeeda la asiibo.

Dabiiciyan koox/jamaaca kasta (team) oo shaqa wadaagtaahi waxaa u dhexeyn kara farqiyo ka imaan kara dhinacyo kala duwan sida;
1. Aqoonta oo aysan ka sinayn
2. Waaya-aragnimada oo ay ku kala sarreeyaan
3. Damacyo kala duwan oo ka dhex jiri kara
4. Xafiiltan shaqsiyaadka qaar u dhexeeya
5. Dabeecadaha xubnaha shaqada oo aan isku jaango’neyn iyo waxyaabo kale oo badan, haddana waxaas oo dhami saameyn kuma yeeshaan habsami u socodka howsha iyo gaarista hadafka guud markii team-ku leeyahay hoggaamiye yaqaan waxa uu u xilsaaran yahay iyo mas’uuliyadda u gaarka ah iyo midda uu dadka la wadaago.

Markaan arartaas hore isla fahamno waxaan jeclaystay inaan abuuro su’aalo aan doonayo inaan jawaabohooda wadaagno.

1-Bal ka warrama haddii aad adinkoo koox (team) ah oo leh hadaf mida kana kooban qeybaha aan kor ku soo xusay ee aad muddo dheer ka hor qorsheyseen qorshe howleedkii lagu gaari lahaa hadaf wadareedkaas ee waqti, dedaal iyo qarash badan uu idinka galay farya-suulintii iyo u dhabar addeygiddii shaqadaas, ee marka uu soo boxo feker kala duwanaansho iyo doodo kooxda dhexdooda ah oo ay soo baxdo in qaar ka mid kooxda ay isku dayayaan inay rabitaankooda ku dul dhisaan shaqo ummad u dhexeysa taas oo cuuryaamin karta hadafka wada jirka ah, hoggaamiyaha kooxduna u dhex fadhiyo team-ka ee halkii uu kala ceshan lahaa kooxdiisa kuna soo celin lahaa qadka ciyaarta uu iyaga dirirsan ka sugo inay waddada xalka helaan?
2-Bal ka warrama haddii aad hoggaamiyihiina dalabtaan oo aad la socod-siisaan in arrimaha nuucaas ahi idiin dhexeeyaan aadna u baahantihiin uu xalka tilmaamo haddii uu xaalka ka dhigo inuu qof walba oo kooxda ka mid ah hadduu markuu dhegeysto uu 100% ku raaco fekerkiisa iyo sharraxaad wanaagiisa oo meesha laga waayo ruux qaldan wax tilmaan shaqo ahina ay ku xigi waayaan?
3-Ka warrama haddii kabtanka ama hoggaamiyaha kooxdaadu uu wali sii dhex fadhiyo kuna qanacsan yahay inuu hoggaamiyo kooxdii oo aan isu fiyoobeyn oo madaxa iskula jirta oo qilaafka hareeyey dartiis aysan cidina maskaxda ku hayn ama ku mashquulsaneyn hadafkii lagu mideysnaa?
4-Ka warrama haddii aysan wali kabtanka kooxdaada u muuqan wax mas’uuliyaddiisa la xariira oo dayacan iyo daldaloollo daaris uga baahan ee uu u haysto in shaqadu sidii berri hore laysugu sheegay markii waqti hebel la gaaro in guul lagu naaloodo loo wanqali doono?
5- Waxaas oo dhan waxaa ka sii daran, ka warrama haddii hoggaamiyaha koox yar oo farsamo oo loogu talo galay inay horseed u noqdaan seeta u dhigista hadaf wayn oo la rabo in ummadi ka macaashto howlgelin waayey uu isu diyaarinayo inuu hoggaan u noqdo midda wayn ee la doonayo in lagu xagla geliyo bulsha weynta aan aragtida, danaha, haybta iyo hankaba aan ka mideysneyn ee ay isu keentay isudumidda arrinta kulansiiday?

Anigoo rajeynaya inaad xilligaan si kali kali iyo koox koox ah fekeraysaan uguna mashquulsan tihiin haleelista dulucda qormadaan iyo jawabaha ku habboon su’aalaha lifaaqan waxaan idinla socodsiinayaa in aan maalmaha soo socda bilaabi doono qormmoyin xiisa leh oo aan arrintaan si fiican ugu faaqidayo oo aan ku saleyn doono socdaalkeygii iyo campaign-keygii siyaasadda Galmudug, kartidii iyo hab hoggaamineedkii kabtankii kooxdeyda oo aan si faahfaahsan u lafa guri doono.

Mohamed Ahmed Hosh
Senior Political Figure and MP candidate 2020/2021.

Fiiro gaar ah: Qormadan waa aragtida qofka qoray.