Sawirro: Ganacsade Xasan Qonjor oo 74 booyadood oo biyo ah ugu deeqay tuulooyinka degmada Cadaado

Arimaha Bulshada Uncategorized Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ganacade Xassan Maxamad Cali (Xasan Qonjor) ayaa 74 booyadood oo biyo ah u dhaamiyey dadku abaartu saameysay ee ku nool tuulooyinka hoostaga degmada Cadaado.

Biyo dhaamintaan ayaa waxaa ka faa’iideystay bulshada ku dhaqan tuulooyinkaas, waxaana xusid muddan inuu yahay ganacsade u damqaday bulshadiisa.

Ganacsadaha ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana howshaan wakiil uga ahaa Muumin Maxamuud Barre iyo C/qaadir Xuseen Shuuriye.

Deegaanada Galmudug ayaa waxaa saameysay abaarta, xoolaha ayaa inta badan baxay, waxaana dadku iyo xooluhuba u baahaan yihiin biyo, cunto iyo dawo.

Gargaarka hay’adaha ayaa gaabis ah, inkastoo hay’adaha gargaar bilaabeen. Cidna uma maqna ceelna uma qodan. Fadlan caawi walaalahaa tabaalaysan.

20170308_130044

20170308_130149-1 20170308_131822-1 20170308_133308-1 20170308_131837-1