Wararkii ugu dambeeyey Xaaladda Siyaasadeed Galmudug.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Qodobada ugu doorka roon Wararkii ugu dambeeyey Xaaladda Siyaasadeed Galmudug.

  1. Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo, ayaa maanta safar cirka ah dib ugu laabanaya Magaalada Dhuusamareeb, kheyre ayaa hadda kulan la leh Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Sacad oo la filayo in ay u gudbiyaan aragtidooda dhismaha Galmudug loo dhan yahay.
  2. Shirka wadatashiga Beesha Sacad oo maalmahan ka socday Gaalkacyo ayaa la filayaa in maanta lasoo gaban gabeeyo iyadoo laga soo saari doono warmurtiyeed.
  3. Ilaalada Ra’iisulwasaaraha ayaa saaka ka gudbay Cadaado, iyagoo ka yimid dhanka Gaalkacyo, waxaana Kheyre kaga sii hormarayaan Dhuusamareeb.
  4. Dhanka Dowladda Federaalka ayaa ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda oo fadhigoodu yahay Cadaado ku amartay in isku diyaariyaan in ay tagaan Magaalada Dhuusamareeb. Waxaana Dowladdu Qorsheynaysaa in ciidamo isugu jira Boolis, Nabadsugid iyo Danab oo ka imaanaya Muqdisho, Cabudwaaq, Gaalkacyo iyo Cadaado ay tagaan Dhuusamareeb. lamana oga arintaas waxa ay ka yeelo doonaan madaxda Ahlu Sunna oo gacanta ku haya Amniga Dhuusamareeb.
  5. Dhanka Kale Hogaamiyaha ugu sareeya Ahlu Sunnada Dhuusamareeb Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa shalay gaaray Dhuusamareeb, isagoo ka yimid safar dibadda ah.
  6. Inta badan beelaha Galmudug oo diidan in ay tagaan Dhuusamareeb, inta ay gacanta ugu jirto Ciidamada Ahlu Sunna.