Wararkii ugu dambeeyey Weerarkii Kismaayo.

Wararka Maanta

Ugu yaraan 9 ruux ayaa ku geeriyooday weerarkii caawa lagu qaaday Hotel Cascaseey ku yaalla magaalada Kismaayo.

Weriye Hodan Naaleeye iyo Seygeed Fariid Jaamac iyo Wariye Maxamed Sahal oo ka mid noqdey dadkii ku Geeriyoodey Weerarkii Kismaayo.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weli la maqlayo rasaas iyo qaraxyo. Weerarkan oo ururka Alshabaab uu sheegtay ayaa waxaa laga soo badbaadiyay Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federalka iyo kuwa Maamul goboleedka Jubbaland.

Xildhibaan Caana Nuug iyo Senator Iftiin Xasan Baasto ayaa ka mid ahaa Xildhibaanka Hoteelka laga soo badbaadiyay, waxaana hadda wali socda howlgalka badbaadinta.

Dabley hubeesan ayaa lagu soo waramayaa in weli ka dhax degaalamayaan dhismaha Hotelka la weeraray, waxaana Hotelka gaaray ciidamada maamulka Jubbaland oo isku dayay in ay weerarka soo afjaraan.

Aragtidaada ka dhiibo