Daawo: Puntland oo Fowdo ku tilmaantay Booqashada Kheyre Waqooyiga Galkacyo

Wararka Maanta

Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka hadlayay Shirjaraa’id oo ku qabta Waqooyiga Gaalkacyo ayaa Sheegay in Isimadii iyo Hab maamuuskii ay u diyaariyeen uu ka diiday Ra’iisul wasaare Kheyre, islamarkaana uu Sheegay inuu doonayo Dhalinyaro U soo banaanbaxda Taasna aysan Aheyn wax laga filayay Reysul wasaare Soomaaliyeed siduu sheegay Wasiirku.

Dhinaca kale wuxuu Raali galin siiyay isimadii dhaqanka ee La qorsheeyaynayay iney Caawa Madaxtooyada Gaalkacyo kula kumaan Ra’iisul wasaaraha, isagoo xusay ineysan Ka fileyn.

Wafdiga Wasiirada ah ee Puntland ayaa u tagay Gaalkacyo, si ay qeyb oga noqdaan Soo dhaweynta Xasan Cali Kheyre, waxaana Kamid ah, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Qorsheynta, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale.