Wararkii ugu dambeeyey Xaalada Caawa ee Magaalada Godinlabe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Godinlabe ayaa caawa laba dhinac waxaa ka fadhiya laba ciidan oo iska soo horjeeda, ciidanka Nabad suggidda Galmudug  iyo kuwa  gadoodsan oo ka soo jeeda.

Ciidanka Nabad suggida ayaa fadhiisin ka sameystay dhanka cadaado xigta, halka ciidanka kale ay  joogaan gudaha magaalada iyo kontoroolka koofureed ee Godinlabe, Dadka rayidka ayaa ka cabsi qaba in labada ciidan isku dhacaan, maadaama ay isku jiraan wax ka yar hal kiilomitir.

Ciidana NISA waxaa horkacaya Taliyaha NISA G/lle Sare Saadaq Cumar oo ka yimd Magaalada Galkacyo, waxaana ku wehliya Gulufka Gudoomiyaha Godinlabe Cabdi yare, halka ciidanka ka soo horjeeday uu hogaaminayo Ganacsade lagu magacaabo Shabeel oo deyn ku sheeganaya Maamulka Galmudug.

Dhanka Ahlu sunna ayaa ciidan soo dhoobtay Mareergur oo Godinlabe ka xigtay dhanka Dusmo-reeb, waxaa ciidankaas horkacaya Madaxweyne ku xigeenka Ahlu sunna Cabdullaahi Daacad, waxa ayna garab siinayaan maleeshiyada ka soo horjeeda ciidanka Galmudug.

ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in Wada hadal u socdo Maamulka Galmudug iyo beesha uu ka soo jeedo ganacsadaha, Gaadiidka Wadada maraya ayaa caadi u socda, inkastoo ay lacagtii ay horey u qaadi jirtay Galmudug ay hadda qaadan Maleeshiyada la wareegta kantaroolka Godinlabe.

wi

1 thought on “Wararkii ugu dambeeyey Xaalada Caawa ee Magaalada Godinlabe

Comments are closed.