Kulan albaabadu u xiran yihiin oo madaxtooyada uga socda madaxwayne Farmaajo iyo kuwii ka horeeyay

Wararka Maanta

Waxaa goor dhow Xarunta Madaxtooyada ka bilowday kulan albaabada u xiran oo ay leeyihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo kulankooda ahaa mid qorsheysnaa.

 

Sida wararku sheegayaan kulanka ayaa ku bilowday qado, waxaa la filayaa qadada kaddib inay galaan kulan diiradda ay ku saarayaan ajandayaasha shirka oo ahaa mid horay loo soo diyaariyay, labada dhinac kulamo ka yeesheen.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka la filayo inuu soo dhamaado illaa 4-ta galabnimo, marka loo eego qodobada qaar ayaa waxaa la leeyahay kulanka waxa uu qaadan karaa illaa labo saacadood.

Qodobada muhiimka ah ee shirka ay uga hadlayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa waxaa ka mid ah arrinta doorashooyinka 2020 oo dowladdu cadeyso nooca doorasho, arrimaha ka jira Galmudug, arrinta Gobolka Banaadir ee culeysyada amni ee sababay xirnaanshaha waddooyinka iyo kulamada siyaasadeed oo ay dowladdu joojisay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in laga wada hadlo arrimihii dhacay todobaadyadii la soo dhaafay ee sababay in xaalada siyaasadeed ee dalka inuu cirka isku shareero, kaddib markii la xanibay Madaxdii hore, xilli ay ku sii jeedeen magaalada Beledweyne, sidoo kale hadalkii kululaa ee Sheekh Shariif ayaa isna xiisada sii xoojiyay.

Inkastoo kulanka yahay mid Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashi hore ay ku keli yihiin, hadana waxaa la fileyn in dhanka dowladda ay war ka soo saarto, waxaana taa bedelkeed la hadal hayaa in Madasha Xisbiyada Qaran ay war saxaafadeed galabta ku qabtaan xaruntooda, iyadoo goor sii horeysay loo yeeray wariyeyaasha, si loogu faah faahiyo kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii hore.

La soco wixii warar ee ku soo kordha.