Madaxweyne Farmaajo Oo U Safraya Dalka Itoobiya

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu Berrito oo jimaca ah u ambabaxo Magaalada Gondar, Gobolka Baxar-daar ee Dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kaga qayb geli doona Shir Saddex geesood ah oo uu halkaasi kula yeelanayo Ra’aysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Eretrea Isaias Afwerki, sida uu SONNA u sheegay , Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Abdinur Maxamed Axmed.

Kulankan ayaa waxa uu isku xirayaa natiijooyinkii kasoo baxay heshiiska Shirkii is-dhex galka dhaqaalaha ee ay Waddamada Gobolka ku yeesheen Magaalada Asmara ee Dalka Eretrea Laba Bil ka hor.