Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in la helay meydka mid ka mid ah dadkii ay shalay doonta la qalibantay.
Meydka ninka la helay ayaa magaciisa lagu sheegay Shariif Xasan Ganeey oo ka mid ahaa ganacsatada magaalada Beledweyne, waxaana meydkiisa laga helay deegaanka Shabeelow ee duleedka Beledweyne.
Guddiga loo saaray baadigoobka dadkii ay doonta kula qalibantay shalay wabiga Shabelle ayaa sheegay inay wargeliyeen dadka ku nool deegaanada ku dhow dhow Beledweyne, si ay dhankooda uga baadigoobaan dadka la la’yahay oo suura gal tahay in biyuhu geeyaan meelo kale.
Doonta shalay barqadii rogmatay ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku geeriyooday 10 ruux halka laga soo badbaadiyey mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Duqa degmada Beledweyne Safiya Sheekh Xasan Cali Jimcaale iyo Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax.
Dhan kale Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka geystay deegaano ka tirsna Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hoos-taga magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaa, iyadoo inta badan dadkii deegaanka ee ku sugnaa isaga barakaceen.
Dowlad goboleedka Galmudug oo ah halka ugu fudud ee gurmad laga gaarsiin karo Beledweyne ayaa waxaa ka socda magaalooyinka waaweyn abaabul loogu gurmanayo dad dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadda webiga Shabeelle, gaar ahaan gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ka Tacsiyeyey dadkii ku geeriyooday fatahaadda Beledweyne, isagoo bulshada Puntland ka codsaday in gurmad lala gaaro shacabka Beledweyne.