Congress-Ka Mareykanka Oo Qorsheynaya In Xayiraada Laga Qaado Xijaabka

Wararka Maanta

Xildhibaannada ka socda Xisbiga Dimuqraadiga ee Dalka Mareykanka ayaa wada olole ay ku doonayaan in lagu qaado mamnuucidda saaran xijaabka iyo waxyaabaha kale ee qarin kara madaxa qofka ka mid ah Golaha aqalka hoose ee  Mareykanka.

Xeerka mamnuucaya xirashada agabyadaas ayaa waxaa uu aqalka hoos e ee Mareykanka meel mariyay sanadkii 1837dii,waxaana hadda la doonayaa in laga laabto.

Arrintan ayaa timid kaddib markii Gabdho Muslimiin ah oo xijaaban ay ku biireen Golaha aqalka hoose  ee Mareykanka,waxaana ugu horreysa Ilhan Cumar.

Marka la dhaariyo Ilhan Sanadka soo socda waxaa ay noqon doontaa qofka kaliya ee uu madaxa u daboolanyahay ee fariiska Aqalka hoose ee Mareykanka.

Ilhan oo doorashadeedii kaddib arrintan ka hadleysay waxaa ay sheegtay in uusan jirin qof ka hor istaagi kara daboolashada madaxeeda islamarkaana ay xaq u leedahay in ay sidaas sameyso.

Haweeneyda Guddoomiyaha ka noqon doonta aqalka hoose ee Mareykanka oo ka soo jeedda Xisbiga Dumuqraadiga Nancy Pelosi, ayaa ka mid ah dadka u ololeynaya in la qaado mamnuucidda saaran dadka muujinaya calaamadaha Diinta ay aaminsanyihiin.