Daacishta Soomaaliya oo adeecay Amiirka cusub ee kooxda Daacish

Wararka Maanta

Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya ayaa war murtiyeed ka soo saaray geeridii Hoggaamiyihii Kooxdaas Abuubakar Al-Baqdaadi, kaasoo bishii la soo dhaafay lagu dilay weerar uu Mareykanka ku qaaday goob uu ku sugnaa oo ku taala waqooyiga Suuriya.

War mrutiyeedka ka soo baxay Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay u hoggaansamayaan awaamiirta hoggaamiyaha cusub ee Kooxda Daacish Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi

Sawir la soo dhigay barta Internet-ka ee Telegram oo ay ka muuqdeen koox ka tirsan Daacish oo geed-hoostiisa fadhiya oo bayco la galaya Hoggaamiyaha cusub Al-Qurayshi, iyagoo balan-qaaday inay u hoggaansamayaan awaamiirtiisa.

Daacish-ta Soomaaliya ayaa saldhigooda yahay deegaanada buuraleyda Gobolka Bari, waxaa horay ay halkaas uga fuliyeen weeraro kala duwan.

Kooxda Daacish-ta Soomaaliya ayaa waxaa hoggaamiya Sheekh C/qaadir Muumin, kaasoo horay uga goostay Al-Shabaab, wadaadkan da’da ah ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday weerar duqeyn ah oo Mareykanka ka fuliyay Buuraha Gobolka Bari.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa bayaan ka soo baxay Daacish waxaa loogu magacaabay inuu noqdo Hoggaamiyahooda cusub Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi, kaasoo bedelaya Hoggaamiyihii hore Abuubakar Al-Baqdaadi.