Wararkii ugu dambeeyey ee Xaalada Magaalada Galkacyo.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xaalada Magaalada Galkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka jira deganaan aan cagabadan ku taagneyn, kadib markii saaka dagaal culus oo muddo kooban socday ka dhacay dooxada galbeedka magaalada, dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana xaafadaha qaar ee magaalada ku dhacay madaafiic.

Labada maamul ayaa xalay ciidamo farabadan geeyey goobaha ay ciidamadu isku horfadhiyeen, waxaana muuqata in ay burburtay, dadka amaanka ka faaloodda ayaa tilmaamaya in aysan xabad joojin afka laga sheegaa aysan wax ka qabaneynin colaadda Galkacyo, ayna muhiim tahay in labada maamul kala qaadaan ciidamada is horfadhiya.

Galkacyo ayaa marti galisay 5 todobaad oo colaad sokeeye ah, waxaa xiran goobihii waxbarashada, iyo adeegga guud, magaalada ayaa  waxaa ka barakacay ilaa 80,000 ruux.

wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com

Comments are closed.