Guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaarada amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow ducaale.Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa labada ku sime ahna ku xigeenada labada talis ee sabad sugida iyo booliiska soomaaliya.
kulanka waxaa shir guddoomineysay guddoomiyaha guddiga Arrimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xildhibaan Foosiyo Maxamed Sheekh, waxaana loogu hadlay qaraxyadii u dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Guddiga ayaa su’aalo weydiiyay wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow iyo kusimayaasha taliyaasha nabad sugida iyo booliiska soomaaliya.Su’aalaha ayaa la xariiray Amniga sii xumaanaya ee Caasimada gaar ahaan Xasuuqii 14-bishii October iyo Weerarkii 28-ila bishaas.
Hoos ka Daawo Sawirada
Ceelhuuronline