Home » Wararka Galmudug » Sawirro: M/kuxigeenka Galmudug oo booqday deegaano ay beelo ku dagaalameen Gobolka Mudug Date :September 11, 2017 Author :admin Views : 170

Sawirro: M/kuxigeenka Galmudug oo booqday deegaano ay beelo ku dagaalameen Gobolka Mudug

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa booqday deegaano hoos taga degmada Galkacyo, deegaanadan ay wafdigu booqdeen ayaa waxaa ka mid ah Raxanreeb, Caliwaal, Wadaagsin, Sirjimaale, Raamaale, iyo deegaano kale.
Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyo wasiiro, xildhibaano, Maamulka gobolka Mudug, maamulka degmada Galkacyo iyo waxgarad deegaanka, Ujeedka booqashada Masuuliyiinta deegaanadaas ayaa  ahaa inay waci gelin nabadeed u sameeyaan dadka ku nool halkaasi oo ay colaado beeleedyo ka jiraan.
Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa mudooyinka dambe gobolka Mudug ka waday nabadeyn iyo sidii loo afjari lahaa colaado ku soo laablaabtay deeganada miyiga gobolka Mudug. sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Puntland ayaa isaga wafdi la socda shalay booqdeen deegaanada dhanka Puntland ee colaaduhu horey uga dhaceen.
BY DAAHIR FAARAX

Blog Stats

  • 412,500 hits

Leave a Reply