Wafdi Sare oo ka socda Dalka Eritrea oo soo gaaray Muqdisho

Wararka Maanta

Wafdi heer sare ah oo ka socda dalka Eriteriya ayaa goordhow ka soo degay Garoonka diyaaradaha Adan cadde ee magaalada Muqdisho,halkaasi oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdigan ka socda Eriteriya oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha dibadda Dalkaasi Mudame Cusmaan Saalax ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha dibada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.

Safarka Wafdiga ka socda Eriteriya ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa daba socda socdaal madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo dhowaan uu ku tagay magaalada Asmara,kaasi oo bilow u ahaa adkeynta xiriirka Labada Dowladood,waxaana wafdigan hordhac u yihiin Wafuud kale oo Eriteriyaan ah oo soo gaaraya magaalada Muqdisho.