Senatar Dhagey oo iska casilay Kursigii Aqalka Sare

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey) ayaa iska casilay kursigii Aqalka Sare ee dhowaan dib loogu doortay isagoo doortay in uu u tartamo golaha shacabka.

Warqad uu u diray madaxweynaha Galmudug ayuu sababta uu kursiga isaga casilay ku sheegay inuu rabo in reerka uu ku matalo Baarlamaanka uu ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta sida uu yiri.

Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay ku dhawaaqay in doorashada golaha shacabka ay bilaabaneyso maalmaha soo socda.