Waxaa soo shaac baxay khilaaf xoog leh oo u dhexeeya madaxda ugu sareysa wasaarada dhalinyarada iyo isboortiga dowlada federalka iyadoo maanta uu shir jaraa’id ku qabtay Wasiir ku xigeenka wasaarada uu eedeyn kulul u jeediyay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha dowlada federalka.
Wasiir ku xigeenka dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya Axmed Cumar Islow ayaa sheegay in dhaqaallihii loogu tala galay Wasaaradda ay Musuq maasuqday Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye.
Wasiir ku xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in Wasiir Khadiijo ay hor istaagtay in la hormariyo Wasaaradda.
Hadalkan ka soo yeeray Wasiirku xigeenka oo ah mid marka loo eego siyaasada dalka Soomaaliya badanaa aan lagu arki jirin ayaan la ogeyn waxa hadda ku soo beegay iyadoo uu wasiir ku xigeenku hayay xilkan muddo dheer.
Ma jiro illaa iyo hadda wax jawaab ah oo ka soo baxay Wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga dowlada federalka Khadiijo Maxamed Diiriye.
Waxana warkan ka soo yeeray wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo isboortiga uu ku soo beegmay maalin kadib markii wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ay sheegtay in horaanta bisha Janaayo ee sanadka 2020ka si rasmi ah loo furi doono garoonka weyn ee Muqdisho Stadium oo muddo dheer burbursanaa isla markaana saldhig u ahaa ciidamo.