Xaalada deegaanka Dumaaye iyo tuulooyinka u dhow ayaa maanta daganaa, mana jirin dagaalo halkaasi ka dhacay, Ciidamada deegaanka ayaa ku sugan dhulka Howdka, Halka wararka qaar sheegayaan in ciidankii Alshabaab ay ka baxeen deegaanada lagu dagaalamay, Alshabaab ayaa xoolihii ay dhaceen u kaxeeyey dhanka Magaalooyinka Xarardheere iyo Jowle, Ciidamada NISA oo xalay gaaray deegaanka Warshubo ayaa saaka u ruqaansaday dhanka Dumaaye, wax ayna fadhiisiin ka sameysteen goobo Muhiim oo u dhow goobaha lagu dagaalmayo, wax ayna saanad ciidan gaarsiiyeen ciidamada Deegaanka.
Dhanka kale ilaa 3 dhaawac ah oo Cadaado xalay la soo gaarsiiyey, ayaa qaarkood maanta loo qaaday Magaalada Muqdisho, waxaana ciidamo dheeraad ah la filayaa in ay caawa ka baxaan Magaalada Cadaado si ay ugu biiraan taageera dadka deegaanka ee ka soo horjeeda Alshabaab.
Dhulka lagu dagaalamayo oo dhul howd ah oo wadooyin fiican aan laheyn ayaa sii adkeeyana Xaalada dagaalka, Alshabaab ayaa isku dayaya in ay jaraan wadooyinka gala deegaanadaas si aan loogu gurman Reer miyiga ka soo horjeeda, Alshabaab ayaa dagaalka waxaa ka soo gaaray khasaare 20 dhimasho kor u dhaafaya maadaama aysan aqoon u laheyn deegaanka lagu dagaalamayo.
Wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com
Comments are closed.