Wasiirka Gaashaandhiga oo gaaray Magaalada Kismaayo

Wararka Maanta

Wasirdini

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi balaaran uu hoggaaminayo ayaa gaaray
magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland..

saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo Saraakiil ka tirsan dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa wafdigaasi ku soo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.

Wasiirka, ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo wuxuu tababar u soo
xiri doonaa ciidamo ka tirsan kuwa xooga dalka Soomaaliya, wuxuu sidoo
kale kulamo la qaadan doonaa saraakiisha Jubbaland.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa wada dadaallo badan oo ay ku dar
dargalinayaan howlaha dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Isha: Sonna