Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia mudane Mohamed Abdullahi Farmajo ayaa caawa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Dooxa ee dalka Qadar kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Amiirka Dalkaasi waxaana soo dhaweynta wefdiga madaxweyne Farmajo ka qeybgalay danjiraha Somaaliya ee qadar Ambassador Omar Idris taliyaha ciidanka nabadsugidda qaranka Abdillahi Sanbaloolshe iyo saraakiil sarsare oo ka socotay dowladda Qadar.
Wefdiga Madaxweyne Farmajo ayaa waxaa kamid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda,amniga gudaha,qorsheynta iyo Gaashaandhigga.