Haddii la dhimanayo Dhareerka waa la iska tiraa.

Wararka Maanta

Xayi u noolaanshaha waa astan muujineyso kartida aadanaha,Dhibka iyo Culeyska ku soo wajaho waa in aad leydahay dhiiranaan iyo hal adeeg aad ugu bixi karto.

Qofka Waasha waxaa la yiraahdaa maskaxdiisa ayaa yar,maxaa yeelay waxa uu maareyn waayey Culeysyada Nolosha ku soo wajaha,taasna dadka uu ku dhaca rajo fiican oo danbe ma lahan.

Waxaa kaloo jiro Go’aan qaadashada Fudeedka Ku dhisan,waxaa ka fiican in aanba go’aan la qaadan.

Dib u Milicso Ololihii Doorashadii ka dhacday Dalka waxaa lagu galay Isir,Jinsi Naceyb loo qabo Itoobiya,Dowladdii Hore Culeyska Siyaasadeed ee soo wajahay waxa uu ahaa Itoobiya ayaa wadata,Hishiish ayee la soo galeen,Dalka waa la qabsanayaa iyo Sheekooyin badan oo ay ka mid ahaayeen Kaamirooyin ayaa lagu xiray Goobta Doorashada,Qalimaan Security Camera leh ayaa la keenay iyo wax badan oo Been Abuur ahaa.

Qofka Muslimka ma rumeyn Allaah illaa waxa uu Nafsadiisa la Jecelyahay uu la Jeclaado waalkiisa kale ee Muslimka.

Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre waxa uu Madax ka ahaa Shirkadda SomOil,Kooxda la socodta Dabagalka Cunaqabeynta Hubka ee Soomaaliya iyo Elatariya ayaa ku soo Eedeysay in uu Xiriir la leeyahay Al-shabaab,iyadoo lagu daray Liiska Argagaxisada waxaana soo wajahay Culeys iyo Baqdin.

Dowladdii Xasan Shiikh ayaa si dhab ah u taageertay,Ra’iisal wasaarihii Cumar Cabdirashiid na Gacan fiican ayuu siiyey,waxaa loo dhigay Banaanbaxyo lagu dalbanayo in uusan ka mid aheyn Argagixisada,Ugu danbeyna waa laga saaray Liiskaas.

Woo dareemi karay Xanuunka iyo Culeyska ay leydahay arintaas,waxaana loo gartay in uu Noqdo Ra’iisal Wasaaraha Dalka,inkastoo Hilmaamay meeshii laga soo celiyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wax yaabaha uu Guusha Ku helay waxaa ka mid ahaa waa Wadani,Waa Daacad Dalka Badbaadinayaa lkn Hadda waxa uu qaatay go’aan Shacabka ka careesiiyey,waxaana luntay kalsoonidii lagu qabay.

Tusaale Haddii ay Jabto Dhalo Suura gal ma ahan in sidii ay aheyd Ku soo laabato,hadda wey adagtahay in ay soo laabato kalsoonidii lagu qabay Madaxda Dowladda.

Falalka ay Ku kaceyn waxaa ka mid ah Jebinta Xeerar Caalami iyo Axdi Caalamka Ku hishiiyey kaas oo dhowraya Shaqsiyaadka Magangalyada u joogo Dalal kale iyo sida aan loogu xadgudbi Karin.

Arinka Qalbi-Dhagax waxaa si fudud loogu bartay Maamulka Madaxda Dalka,waxaana soo baxday qaarkood in aysanba la socon waxa ka jira Dalka.

Haddii Madaxdii hore Lagula dagaalay waa Itoobiya Kalkaal Waa maxay Sababata aan u fiirsaneyno Dowladda hadda Talada heyso.

W/Q:- Cabdiraxman Black.