Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa sheegay inay dacwad rasmi ah u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee dalka, kaasoo ka dhan ah Xukuumadda.
“Iyada oo laga duulayo dhowrista iyo ilaalinta shuruucda dalka ayaan si rasmi ah dacwad ugu gudbinnay maxkamadda sare ee dalka taasi oo ku saabsan is hortaaggii sharci darrada ahaa ee xukuumaddu ay ku sameysey xubnihii xisbiga Himilo Qaran ee aan hogaaminayay kuna socdey Kismaayo xarunta KMG ee Jubaland”ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Facebook ee Sheekh Shariif.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan jirin cid ka sareysa sharciga, ayna ka doonayaan Maxkamadda sare ee dalka cadaalad.
“Ma jirto cid ka sareysa sharciga sidaa darteed waxaan maxkamadda sare ee dalka aan ka doonaynaa cadaalad, innaga oo dacwaddana si gaar ah uga gudbinnay laanta fulinta ee dowladda oo bixisay amarkii sharci darrada ahaa”ayuu yiri mar kale.
Shir jaraa’id oo maanta Xarunta Xisbiga uu ku qabtay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Himilo Qaran ayaa lagula wadaagay warbaahinta nuqulka dacwada loo gudbiyay maxkamadda sare.
22-kii bishii hore ee September ayay aheyd markii la xayiray diyaarad uu raaci lahaa Sheekh Shariif xilli uu ku sii jeeday magaalada Kismaayo, waxaana arrintaas ka dhashay fal celino kala duwan, iyadoo shirar ay ku yeesheen Muqdisho xisbiyada siyaasadda kaga dhawaaqay isbaheysi siyaasadeed.