Vincent Kompany Oo Shaaciyay Xiliga Uu Ka Fariisan Doono Ciyaaraha Caalamiga

Ciyaaraha

Daafaca Manchester City Vincent Kompany ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo inuu  soo afjaro waayihiisa  xulka qaranka Belgium ka dib Koobka Adduunka ee sanadka soo socda.

31 jirkaan ayaa Isbuucaan lagu soo daray xulka Red Devils ee ciyaaraya isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la leeyihiin Bosnia-Herzegovina iyo Cyprus, inkastoo uu dhaawac ku maqnaa bishii lasoo dhaafay.

Go’aanka macalin Roberto Martinez ee Kompany ayaa noqonaya mid ka soo horjeeda macalinka City Pep Guardiola, kaasoo sheegay in daafaca dhexe uusan weli taam noqon doonin.

Si kastaba, dhibaatadaas oo kale ma noqon doonto arrin soo socota xilli ciyaareedka soo socda, si kastaba ha noqotee, Kompany ayaa doonaya inuu ka tago waajibaadka qaranka Belgium ka dib Koobkii Adduunka ee Russia.

Belgium ayaa horay ugu soo baxay isreebreebka koobka adduunka ee Russia 2018 ka hor inta aan la gaarin sanadka soo aadan.

W/Q Hafsa haji