Real Madrid Oo Ka Hadashay Xaalada Dani Carvajal

Ciyaaraha

Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in Dani Carvajal laga helay cudurka “viral pericardium”, taasoo ah xaalad saameyneysa xuubka ku xiran wadnaha.

Carvajal, oo dhawaan heshiis cusub u saxiixay Los Blancos, ayaa durbadiiba u saftay 10 kulan tartamada oo dhan xilli ciyaareedka 2017-18.

Si kastaba, xiddiga heerka caalami ee dalka Spain ayaa haatan wajahaya xaalad kale ka dib markii Real Madrid ay xaqiijisay in xidiga uu qabo xanuun dhanka wadnaha ah habeenkii sabtida.

“Baaritaanno lagu sameeyay Dani Carvajal, waxaa laga helay cudurka viral pericardium, waana la sii wadi doonaa qiimaynta soo kabashadiisa,” ayaa lagu yiri hadal ka soo baxay Real Madrid.

25 jirkaan ayaa sidoo kale seegi doona kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee 2018 ee ay la leeyihiin Albania iyo Israel, waxaana laga yaabaa inuu seego labada bilood ee soo aadan xilli ciyaareedkan.

W/Q Hafsahaji