USA”Dad wayne diiddan cunsuriyadda oo isugu soo baxay Boston

Uncategorized Wararka Dibadda Wararka Maanta

Kumannaan qof ayaa mudaharaad kala hortagay kooxo cunsuriyiin ah oo dibed bax ay ugu magac dareen “Xoriyadda Hadalka” ka dhigay magaalada Boston ee dalka Maraykanka.

Kooxaha cunsuriyiinta oo tiradoodo ay koobneyd, ayaa waxaa buuq iyo canaan kala hortagay dad diiddan afkaartooda xagjirka ah, waxaana markii dambe goobta ka waday booliska.

Xiisad salka ku haysa cunsuriyadda ayaa ka taagan qeybo ka mid ah Maraykanka, ka dib dibed baxyadii dhiigu ku daatay ee maalmo ka hor ka dhacay magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia.

Wargeyska Boston Herald ayaa sheegay in dibed baxan ka dhanka ah cunsuriyadda ay ka qeyb qaateen ku dhawaan 30,000 oo qof.

Weriye ka tirsan BBC oo tegay meesha uu mudaharaadka ka dhacay ayaa sheegay in kooxaha cunsuriyiinta laga tiro batay, isla markaana la isugu geeyay meel kooban.

Rabshaddii ka dhacay Charlottesville ayaa ka dhalatay markii dad caddaan cunsuriyiin ah oo diiddan duminta taallo ay gacanta ula tageen dad kasoo horjeeda.

 

Xigasho BBC