Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax miino oo maanta ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii gaari hoomey ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah ay la kacday.
Ugu yaraan 5 ruux ayaa la sheegay inay qaraxa ku dhinteen, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadka saarnaa gaariga ayaa ka soo barakacay dagaaladii maanta ka dhacay deegaanka Bariire, halkaasoo ay maanta ku dagaalameen Ciidamo huwan ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay gacan ku heynta deegaanka Bariire, kaddib markii ay ka baxeen Shabaab.
Xaalada deegaanka ayaa maanta degan, waxaana jira cabsi laga qabo in mar kale dagaalo ka dhacaan, iyadoo dadkii deegaanka ay isaga qaxeen dagaalka.
Xigasho Jowhar.com