BANDHIGGA BUUGGAAGTA MUQDISHO WAA MADAL-AQOONEED

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

In muddo ah ayaa la-dharrarayay {sugi la’aa}, Xiiso iyo jaceyl  gaar ah ayaa loo qabay, shaqsi walba waxa uu ku haminayay inaan looga sheekeyn ee uu goobjoog ka noqdo, wax badan ayaa la is-weydiiyay goorma ayaa la  furayaa bandhigga buuggaagta Muqdisho, dadka Soomaaliyeed waxaa horey  raad xusuus leh ugu reebay bandhigyadii  hore loo qabtay, sugitaan dheer kadib waxaa 15-kii Agoosto 2018-ka  lagu najaxay in si rasmi ah daaha looga rogo carwadii 4-aad ee bandhigga buuggaagta Muqdisho.

Waa  aroor hore waxaan ka soo dhaqaaqay halkii aan habeenkaasi ku hoyday, hamigaygu waxa uu ahaa inaan noqdo qofka ugu horeeyo ee iska xaadiriya furitaanka bandhigga buuggaagta Muqdisho ee maalintaas lagu madlanaa, abaarihii 8:00 subanxnimo ayaa soo gaarey halkii loo qorsheeyay in lagu qabto bandhiggaasi hase yeeshee  waxaa hal-xiraale igu noqday inaan goobtaasi kula kulmo  dad aan ku qiyaasay Boqollaal Soomaaliyeed oo iga soo horeeyay, farxad ayay arintaasi igu beertay, dareen  ahaan waxaan si aad ah u garaystay  sidayda oo kale in loo wada xiiseynayo bandhigga buuggaagta Muqdisho.

Saacado kooban dabadeed waxaa gudaha loo galay hoolkii lagu qabanayay carwadaasi, dad isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib oo aan la tirin Karin ayaa  soo  camiray kuraastii loogu tala galay ka qeyb galayaashii carwadaasi, ushii aad tuurto dhulka kuma aysan dhaceyn inay qof dul dhacdo mooyee sida loo soo buux dhaafiyay darteed, xaqiiqdii si lixaad leh ayaa looga soo wada qeyb-galay, looma kala harin madax, aqoonyahan, qoraa, abwaano,  qurba joog, ajaaniib, dhallinyaro,  haween iyo cid walba oo fursad u heli kartay inay timaado madashaasi qiimaha badan.

Maqaawiir caan ah, ruug caddayaal macruuf ah iyo dad kale oo saameyn balaaran ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed oo ka kala yimid gudaha iyo debedda dalka ayaa iiga dhex muuqday kumanaankii qof ee nasiibka u helay inay ka soo qeyb galaan furitaankii bandhiggaas, hadalo  qiima-gal ah oo ay soo jeedinayeen dad loo qaateen ah ayaa madasha lagu furay, sacab ayaa mararka qaarkood harreynayay khudbadihii halkaasii laga soo jeedinayay, deagganaan ayaa ka muuqatay bulshadii madashaasi joogtay, ruux walba waxa uu ku haminayay inaaney waxba seegin, farxad ayaa dadka wajiyadoodu ka muuqatay, shaqsi kasta oo madashaasi goob joog ka ahaa waxaa raali galiyay sida quruxda badan  ee soo loo soo agaasimay bandhiggaasi.

Seddexda maalin ee loo qorsheeyay bandhigaasi waxay ahaayeen maalmihii ugu xiiso badnaa maalmaha sannadka 2018-ka,  maalin kasta waxaa hoolka Sahal  ee bandhigga lagu qabanayay soo buux dhaafin jiray dadweyne  danaynaya ka qeyb-galka carwadaas, inkastoo aaney kala dhicin barnaamijyada halkaasi ka socday  ayaa haddana dadka qaarkiis waxaa sooo  jiitey Kumanaanka buug ee kala nooc-nooca ah ee fagaarahaasi la keenay hase yeeshee qeybo kale oo bulshada ka mid ah waxaa jecleysanayeen soo jeedinta qorayaasha, abwaanada iyo marti sharafta bandhigaasi lagu casuumay.

Bandhigga buugaagta Muqdisho waxa uu bilay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxa uu kor u qaaday qorista buugagta, akhrinta, suuganta, hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, waxa uuna dhinaca kale kulmiyey kumanaan dad ah oo isugu jira qorayaal, aqoonyahanno, hal abuur iyo dad badan oo wax curiya  oo ka kala yimid daafaha caalamka xiiso ay u qabaan carwada buugagta Muqdisho.

Hubaashii bandhigga Muqdisho Book Fair waxa uu ahaa mid dhameystiran, amaan iyo bogaadin waxaa mudan akhyaartii dhexda u xeratay  qabsoomida hawshaasi dhaxalgalka ah, in badan ayaan  goob joog u soo ahaa barnaamijyo fara badan hase yeeshee horey ma aanan u arag sida bandhiggaan loo soo qaabeeyay, xaqiiqdii haddii aan la is -xasdeyn bandhiga carwada buugaagta Muqdisho waxa u ahaa madal aqooneed middii ugu mugga weyneyd ee Muqdisho ay marti-galiso.

WQ. Cabdinaasir Xersi Iidle

Mail. naasirx1@gmail.com

Tel. 00252-615503978