Turkiga oo shaqaale dheeraad ah shaqada ka eryey

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Turkiga ayaa sheegay in 2,756 qof laga eryey shaqooyinkii ay ka hayeen hay’adaha dawladda, kuwaasoo ay ku jiraan askar, macallimiin iyo shaqaalaha wasaaradaha qaarkood, waxaana lala xiriirinayaa ururro ‘argagixiso’.

Shaqaalaha la eryey ayaa la sheegay in ay xubno ka yihiin ama xiriir la leeyihiin kooxo ‘argagixiso’ ama hay’ado wada falal ka hor jeeda amaanka qaranka, sida lagu qoray dikareeto lagu daabacay faafinta rasmiga ah.

Ilaa 50,000 oo qof ayaa la xiray tan iyo markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay bishii Luulyo ee kal hore, waxaana tan iyo wakhtigaas shaqada laga eryey ama laga joojiyey 150,000 oo qof oo ay ku jireen askar, boolis, macallimiin iyo shaqaale dawladeed, ayagoo lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin dhaqdhaqaaqa wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka ee Fethullah Gulen. Xukuumaddu waxay Gulen ku eedeynaysaa inuu soo maleegay afgambigii dhicisoobay.

Gulen oo musaafuris iskiis ah ugu noolaa Pennsylvania tan iyo 1999 ayaa beeniyey eedeynta, wuxuuna cambaareeyey afgambiga.

Kooxaha xuquuqda aadanaha iyo qaar ka mid ah saaxiibada reer galbeedka ayaa ka cabsi qaba in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu u isticmaalayo afgambiga la isku dayey marmarsiiyo uu ku cabburiyo mucaaradka.

Xukuumaddu waxay ku doodaysaa in ololahan ay shaqada kaga cayrinayso dadka ay ka shakiso uu yahay mid muhiim ah marka la eego xajmiga uu lahaa afgambigii la isku dayey oo ay 240 qof ku dhinteen.

Sourse:BBCS