Qaar ka mid ah Caqabadaha Horyaala Madaxweyne Farmaajo

Wararka Maanta

QAAR KAMID AH CAQABADAHA HORYAAL MADAXWEYNE FORMAAJO

1. Dhaqanka musuqmaasuq ee ragaadiyey dib u dhisida haykal dowladeed oo dhab u shaqeeya, kasoo tusbax oo kale u taxan laga bilaabo waardiye ilaa wasiir.

2. Tayo xumada shaqaalaha dowlada (Lack of highly qualified staff) inta badan shaqaalaha dowlada oo tayadooda liidata iyagoon aqoon lagu soo xulin, balse eex iyo qabyaalad ku yimaadaan.

3. Nidaamkii maaliyada iyo canshuuraadka oo aan dhisnayn ( Weak financial institutions, inadequate regulation and supervision). Canshuurta si daahfuran looma qaado loomana kontoroolo. Bankiga dhaxena waxaa weli fudud in lacag sharci daro ah lagala baxo.

3. Tayada ciidanka iyo dishibiliinkooda oo liita tasoo u dheer daryeel la’aan iyo mushaar la’aan. Kuwsoo marar badan ku xadgudba xaquuqul insaanka.

4. Xuduudaheena Bad iyo Beri oo iska dayacan, waxaa jira kaluumeysi sharci daro ah oo malyuumaad lacag nooga lunta iyo xuduudaheena ayaa ciidamada dariska goorta ay doonaan soo gala kana baxa sida dal aan Dowlad lahayn.

4. Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka oo awoodahooda kala qeexnayn, tasoo sababta mararka qaar isku dhac siyaasadeed.

5. Faragelinta dowlada shisheeeye gaar ahaan kuwa dariska.

6. Deeqaha dibada ka yimaada oo si xun loo maamulo. Sanadkii 2013 waxaa Soomaaliya loogu ugu deeqey New Deal-kii $2.4 billion. Lacagtaas oo loogu talagaley in dalka dib loogu dhiso balse meel ay martey lama yaqaan. Dowlada Soomaaliya waxaa gacanteeda soo galey 8% inta kale waxaa maamuley implement partners (International NGOs) iyadoo cid la xisaabtanta aysan jirin.

7. Garsoorka oo aad u liita, waxaa garsoorka ka jira cadaalad daro iyo musuqmaasuq baahsan waxaana ka shaqeeya dad Illaah ka cabsan, wuxuu u baahan yahay Garsoorka dib u habeyn baahsan.

8. Dib u heshiisiin dhab ah. Waa halka la doonayo in shaqada uu ka bilaabo in Soomaalida u sameeyo dib u heshiis daacad laga yahay asaga oo ka bilaabayo Cabudwaaq.

9. In uu xusho ra’iise wasaare taya leh kasoo uu aqoon fog u leeyahay si aysan isugu dhicin . Waxaana hubaa in ay aad u adag tahay arintaa.

10. Shaqo la’aanta dhalinyarada. Soomaalidu 70% waxaa lagu qiyaasaa in ay yihiin dhalinyao ka yar 30 sano kuwasoo inta badan shaqo la’aan ah. Shaqo la’aanta dhalinyarada waa caqabad aad u weyn waxeyna halis ku tahay amniga bulshada iyo horumarka dalka.

11. Al Shabaab

W/Qorey: Ilyaas Maxamud Xuseen