Askari Ka tirsanaa Ciidanka NISA oo lagu Dilay Muqdisho

Wararka Maanta

Rag hubaysan oo bistoolado watay ayaa xalay waxa ay Degmada Xamar weyne ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada Nabad Suggida Somaliya.

Dilkan oo dhacay xalay fiidkii ayaa lagu beegsaday askarigaan oo magaciisa lagu soo koobay Ayaanle, waxaana dilay dabley wadatay Bistoolado oo meesha ka baxsaday.

Ayaanle ayaa xilligii dilka loo gaysanaayay uusan wadan wax hub ah, sidoo kalena ma wadan darees ciidan.

Dhawr xabadood ayaa la sheegay in looga dhuftay qaybaha sare ee jirkiisa, kadibna uu u geeriyooday rasaastaasi.

Ciidamada ammaanka oo tagay goobta dilka uu ka dhacay ayaa halkaasi waxa ay ka qaadeen maydka marxuumka la dilay.

Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya Magaalada Muqdisho oo muddooyinkaan dambe xaaladeeda amni ay aheyd mid wanaagsan.