Trump oo Markale Weeraray Ilhaan Cumar

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale abuuray dood ku saabsan dagaalka u dhaxeeya isaga iyo Xildhibaannada ku jira Aqalka hoose ee ka socda Xisbiga Dimuqraadiga ah.

Madaxweyne Trump oo ka hadlayay Xildhibaannada Haweenka ah, Muslimiinta ah, sidoo kalena soo galootiga ku ah Mareykanka ee ku biiray Aqalka hoose ayaa sheegay in qaarkood ay necebyihin Mareykanka.

Trump ayaa isaga oo ka hadlayay shir looga hadlayay siyaasadda Khudbad uu ka jeediyay ku yiri “waxaan ku heynaa aqalka hoose Xildhibaanno soo galooti ah,kuwaas oo neceb Mareykanka”

Markii uu sidaas yiri ayaa qaar ka mid ah dadkii fadhiyay shirka waxaa ay ku dhawaaqayeen Magaca Ilhaan Cumar, taas oo bishii la soo dhaafay qabsatay Warbaahinta Mareykanka markii ay si cad u dhaleeceysay Dadka asalkoodu Yahuudda yahay ee ku nool Mareykanka.

Ilhaan iyo Rashida Tlaib oo ah Gabdhaha uu heysto Trump ee ka soo jeeda Soomaaliya iyo Falastiin kuna jira aqalka hoose ee Mareykanka ayaa aad u cambaareeya siyaasadihiisa muslim naceybka ku dhisan.