Maalmihii la soo dhaafay waxaa deegaanada Puntland laga hadal hayay falkii kufsiga iyo dilka ahaa ee Gaalkacyo loogu geystay Caa’isho Ilyaas Aadan,hayeeshee Puntland ayaa Go’aano adag kasoo saartay falalka kusiga ee ka dhaca deegaanada Maamulkaas.
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Puntland marnaba ogolaan doonin in fal kufsi ah si hoose ama xeer jajab lagu xaliyo.
Waxa uu sheegay Wasiirka in falkii kufsi ah ee ka dhaca deegaanada Puntland dadka loo qabto Maxkamad la horgeyn doono,waxaana Odayaasha Dhaqanka uu ka dalbaday inay saxiixaan inaysan kasoodaba ordi doonin dad loo heysto fal kufsi ah ilaa Maxkamad laga soo taagayo.
Hadalkaan kasoo baxay Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli Maxkamada Maamulkaas ay shalay xukun dil toogasho ah ku riday dhalinyaro loo heysto in fal kufsi ah ay ka geysteen Magalada Gaalkacyo ee Xarunta GobolkaMudug.