Toogasho Xalay ka dhacday Baledwayne

Wararka Maanta

Wararka Ceelhuur ay ka helayso magaalda beledweyne ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeeysan ay xalay xaafada Howl-wadaag ee Magaalada Baladweyne  ku dileen Cismaan Cali maadeey oo loo yaqiinay Cismaan Ganeey kaasi oo kamid ahaa shaqaalaha Maaliyada Gobolka Hiiraan.

Dilka Sarkaalkan ayaa waxa uu ka dhacay aga agaarka Aargada sheikh xasan Barsame ee xaafada howl-wadaag ee magaalda beledweyne,waxaana dilka kadan beyey sida wararku shegayaan koox dhalinyaro buskuulado ku hubeeysnaa kuwaas oo ka baxsaday goobta dilka ka dhacay Sida ay risaala u xaqiijiyey mid kamid ah dadka xafadaasi dagan.

dilka kadib ayaa waxaa gaaray goobta uu falkan dilka ah ka dhacay ciidamada amaanka kuwaa oo halkaa kawado baritaano lagu ogaanayo kooxihii kadanbeyey dilkaasi.