MAALMAHAYGII MUQDISHO….

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

gabar

MAALMAHAYGII MUQDISHO

Hordhac’

Dal burburray, qaran dumay, dawlad ay ka la daateen hay’adeheedii oo dhan, ee soo maray walina ku jira; dagaallo sokeeye, ee beelo, diin, dhaqaale iyo damac kursi isugu jira, muuqa, muunadda, maamuuska iyo misaalka uu noqon karo, laga qaadan karo, laguna qaadan karo kaliya, ayaan aragtideyda gaaban sida ay i la tahay, ku soo gudbin doonaa, ee qofkii ama qoladii iga sugaysay wax ka duwan ama durbaan garaac gaar ah iyo dhiillo dhinac ka dhan ah, waxaan dhihi lahaa; iga helimaysaan, xogtaan hayo wax aan ahayn. Muqidhso, magaalo madaxda dalka, hoyga iyo hiraalka bulshada iyo ilayska ummadda, summadda sowraca Soomaaliga.

Magaalo uga geddisan magaalooyinka kale ama ka badan la kulantay; dirir, dagaal, qax iyo qixin badan, haddana, daran, in kasta, oo ay hadda iyo dhawaan ka soo kabsanayso, balse, wali, waayo iyo waxbadan ay ku dambayndoonaan raadka, rifrifka iyo rafaadkooda oo dhan walba ka muuqandoona.

Magaalo magac dheer, ilbaxnimooyin, maamullo iyo marxalado ka la duwan soo martay, -walina ay sugayso-, oo ka qaybqaatay hormarka, hoggaanka iyo hagaagga magaalada, ee dhisme, bulsho, dhaqan, fan iyo dhigaal. Gumeysiga ka hor, dhexdiisii, xornimodoonkii iyo ka dibba, dawladnimadii curdunka ahayd, maalmihii meleteriga iyo burburkaba waxay eheed magaalo iftiin, kaah iyo ileys, oo ay ku soo hiran jireen bulshada Soomaaliyeed, meel walba oo ay joogaan.

“Anoon Xamar tegin

Ku soo xarragoon

Allaw xarig iyo

Xabaal hey gelin!”

Magaalada sidaa ah, walina maqaamkaa weyn ku leh dalka, gaar ahaan siyaasad, hoggaamin, dhaqaale iyo ilbaxnimo, ayaan anoo dhawr iyo toban sano ka maqnaa dib ugu laabtay. Ka ma filayn MUCJISO iyo masalo MAANKEYGU qaadan waayo, oo waxaan aad ugu dhuundaloolay, la socday, kuna hawllanaa intii aan ismoogeyn, intii karaankeyga ah, in aan diinwaaglsho hadba wixii ku soo kordha, waliba gaar ahaan kuwooda saamaynta fog iyo ku lahaa dhawba. Tegiddeedu waxay ii leheed xiiso iyo xasuus gaar ah.

Waxaan dib u arkay, lana kulmay qoyskeyga, oo aanan arag dhawr iyo toban gu’ ka badan, ayna ugu horrayso hooyadeey macaan, macallimaddeyda iyo marjicayga af, dhaqan iyo bulsho, hooyo F. X. C, Eebbe caafimaad buuxa iyo cimri badan ha siiyee. Dareen, damqasho, diirnax, daymoosha gaar ah iyo dabacsanaan badan ayey ii lahaayeen maamahaa aan la joogay hooyaday, walaalahey iyo abbaayoyinkey, sidoo kale, xigto, jaallayaal iyo wadaayo badan. Waxay ahaayeen maalmo sheekeed, dhalmadayda ka hor wixii dhacay, dhaqankii bulsho ee jiray, walina qaybo ka mid ah ay jiraan, balse, ku xooggan ama ku dambeeya miyiga iyo hadba inta loo jiro deegaan ahaan, ee laga fogyahay magaalo.

Maalmo aan hamuun iyo hilow badan u qabay, oo aan majiirtay maleegmiddooda, aanna ka murugaysnaa maqnaashadooda iyo ka maqnaashaygaba. Maalmo iiga duwanaa korrimadaydii iyo kuraynimadaydii, barbaarinteydii iyo barbaarnimadeydii, haddana, mar walba ii ahaa cashar cususb, oo aan bartay, kana bartay, in dib loo dhalan karo, sida dib loogu soo noolaan karo! Geeri qof, dhimaso dad iyo ka ma hadlayo dabargo’ bulsho, ee waxaan ka hadlayaa, soo noolayn; nolol, qaran, dawlad, ilbaxnimo, dhisme, ganacsi, halbuur, farsamo, caafimaad, waxbarasho iwm. Si walba, oo dhiig loogu kordaadshay dhulkeeda –oo miyey jirtaa dunida, magaalo aan dhiig lagu kordaadin?!-, haddana, waa hooyo dhayda hadba dhaawaca, dhiigbaxa iyo dhimasha soo gaarta, oo aan nicin ubadkeeda, ee xambaarata mid xun iyo midsanba.

Waxaa jira kuwo badan, oo ay soo xannaanaysay, soona xurmaysay, oo xadgudub xagxagsho iyo xumaan la jecel, ee isugu jira; af ku leeble, addin ku dhiigle, arar qalloocne iyo ul ma dhaade, aan arag, eegmo iyo dhugmana u lahayn waxa ku duldhacaya, ee ka sii qaada hiyinnimo.

Haddaan awoodo, waxa aanan u awoodin ma aqaane, maba soo tageen, mana soo bexeen, wax i soo wadayna ma garanayee, may, hadda ayaanba dib u laaban, una noqone, haddana, waa halkii murtidu ka tiriye; “Adduun in meel la wadajoog SHIIDAAD ayaa diidday, aakhrina CAMAL!” balse, dhawaan iyo mar aan dheerayn ayaan dib u guryanoqondoonaa.

Mar walba iyo inta aanan laaban ka hor, waan DALTEBYEYSANAHAY! Waxaan ogahay, walina xasuustaa, in kasta oo ay iga sii xistirmayso, inta aan xiiso badan u qabay laabashada iyo tegidda dalkii mar uun. Waxaa dareemi kara, qof muddo soo maqnaa, een laaban xanuunka ay leedahay, malaha, walina aysan qorshaha ugu jirin, in uu dib u laabto, cillado badan oo isbiirsaday awgeed, oo ay shaw ugu weyn tahay midda ugu adag, ee aan ku falanqayndoono qaybta xigta faalladan, ee AMNIGA iyo AMMAANKA.

CABSI! Sidoo kale, waxaa garan kara, qof sidayda oo kale, ay u suuragashay, in u laabto, ee indhihiisa ku soo arkay xaaladda dadka, waaqica dalka iyo qaab noloeedka bulshada, hannaanka dawladnimo iyo hoggaanka umadda qaran, maamul goboleed, gobol, magaalo, degmo ilaa tuulo. Marka, waxaan jeclahay, in aan si gaar ah ugu mahadceliyo, qof walba, oo qayb ka qaatay socdaalkeyga, anoon magacyo tixeyn, balse, iigu tarxan laabta. In badan mahdin iyo mahado aan gurin.

Haddaba, maadaama dad badan, oo aan sheeko wadaag nahay i weydiiyeen, ina warsadeen, inaan warbixin ka qoro waxaan ka la soo kulmay, ayaa waxaan jeclahay, inaan idin la wadaago socdaalkeygii aan ku tagay dalkii, wixii aan sawir ahaan ku arkay -ilqabad-, isbaddallada ii muuqdayna aan idiin soo gudbin, oo ay ugu horreyso dhinacyada; ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada, cafimaadka, arrimaha bulshada, iyo nolosha waddanka guud ahaan.

TURKIDA; Hordhacii dareenwarranka iyo dubaakh hadalka ahaa ka dib, ujeedka iyo dulucda faallada qaybaheeda ka la duwan aan gudagalo, anoo mar walba is ku dayidoona, in aan koobo aragti, haddii aysan u baahnayn faahfaahin iyo falanqayn dheeraad ah.

Labadii booqashadii, ee ERDOĞAN, uu tagay Muqdisho, marna uu RW ahaa, marna MW, waxay noqdeen labo bog cusub u furay magaalada iyo dalkaba. Turkidu, muqdisho waxay u noqdeen MAHDI u soo baxay ama loo soo diray, sida ay ugu noqon karaan magaalooyinka kale iyo guud ahaan dalka. Turkidu waxay yimaadeen Muqdisho, oo bahalogaleen ah, dagaallo, gaajo, abaaro iyo macalluullo badani ka jiraan.

Imtaankoodii magaalada iyo dalka wuxuu u yeelay fool cusub, oo siyaasadeed, dhaqaale, danayno ka la duwan, maalgashi iyo deeqo isugu jira. Dawladda Turkiga waxay is la markiiba Muqdisho keentay deeqo badan, oo isugu jiray; cunto jaadad ka la duwan lahaa, dawooyin, iyadoona furtay xarumo bukaan socod eegtooyin, oo ay ka hawlgalaan dhaqaatiir Turki ah. Intaa ku ma ekaysane, waxay kaloo xoogga saartay, dibudhiska, dayactirka iyo dicudejinta, oo waxay dayactireen qaar ka mid ah waddooyinka iyo xarumaha dawladda, walina waxaa la wada sugayaa dhismaha GOLAHA SHACABKA, oo ay dawladda Turkidu ballanqaadday, balse, wali aan wax laga qaban.

Deeqda cayn walba leh, waxaa garab socotay maalgashi, ay shirkado Turki ah qaybo ka mid ah Muqdisho ku maalgashteen, sida in ay fureen iskuullo, xarumo farsamo, isbitaallo iyo iyadoo maamulka garoonka Aadan Cadde loo dhiibay shirkadda Favori, sida dekedda Muqdisho ay u maamusho shirkad Turki ah. In kasta oo ay jiraan dad badan oo doodo iyo aragtiyo kale ka qaba Turkida, haddana, Turkidu Muqdisho waxay u ahaayeen NOLOL iyo NARUURO.

Imaatinkoodii ayaa waxyaabo badan is ku badaleen, oo ay ugu horrayso siyaasadda magaalada, isha dunida ku fiirinaysay shalay iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ka jiray. Deeq iyo ganacsi ka sokow, dayn iyo damac marka laga soo tago, waxa ay Turkidu rabaan, bal anaga Soomaali ahaan, aan hal su’aal is weydiinno oo ah; haddii aysan TURKIDU noo imaan lahayn, maxaan ku sugnaa lahayn, xaalad; nolol, siyaasad, dibudhis, maalgashi, hormar iyo deeq? Waxaan hubaa, in warcelintu noqonee, haddaan runta laga gabbanayn; DACAR, DAACUUN, DIBUDHAC, DARXUMO iyo DEEQ LA’AAN, in aan dhexdabaalan lahayn, oo hadda ma dhammaadeen? Xaashaa! Balse, sidii ay shalay Muqdisho eheed, maanta ma ahan, ee intaa is deeqsii. Doodaha ugu adag, ee aan arkay marka Turki iyo Muqdisho laga hadlayo waxaa ugu maangalsan labo ka la ah;

– DAYNTA AY NAGA LEEYIHIIN WEYNAA; oo haddaa dunidan, fal aan DANI daba ool, miyaa is ka dhaca? Is ma dhihin, marka maxaa ku jaban danta ay naga leeyihiin Turkidu, saw qolo kale naga ma yeelateen? Ka sokow, inta aan DANTOODA fiirin lahayn, kuna mashquuli lahayn, ka warra ma, haddii aan DANTEENNA fiirinno? Saw ka ma wacna? Hubaal. Haddaba, aan ku hagaagno hirgelinteeda.

– DEEQ NOOGU MA IMAANE GANACSI AYEY NOOGU YIMAADEEN; oo haddii ay noo keeneen agab, tiknoolajiyad casri, aqoon, aqool iyo waxyaabo hormarkeenna ka qaybqaadanaya, oo ganacsi ah, maxaa ku jaban? Yaaba ku leh waxooda oo dhan waa DEEQ, mise waxaad rabtaa in deeq uun aan ku noolaanno? U badi! Labadan waxaa u dhexeeya qolyo qabyaaladi dilatay, oo mararka qaar ay ka indha saabtay, in ay deeqda Turkida u diidaan reer hebel ayaa loo badshay iyo Turkidu Xamar kaliya ayey maalgeliyeen.

Dadkaa is la waxyar ka dib, marka awood qaybsiga siyaasad beeleed la gaaro, waxay ku doodayaan, in aan Xamar la ka la xigin, oo sowdigii hadda na laha, Turkidu waxay maalgeliyeen hal beel kaliya?! Saw ma ahan, in Xamar beeli leedahay, balse, sedbursi nacas u dhashay uu kugu raacay aad ugu diidday xaqeeda dastuuriga ahaa? MAGAG! Hadda dawladda Turkidu waxay waddaa, in ay dalka ka dhisato SALDHIG CIIDAN.

Anigu si kal iyo laab ah ayaan u soo dhaweynayaa, una taageersanahay, waxaanna qabaa, marka ay ugu yaraato, in uu qayb ka noqon doono kobaca dhaqaale ee la filayo, in dalku gaaro gu’yaalka foodda nagu soo haya, ka sokow, aqoonta, farsamada iyo cududdo laga helikaro, maxaa yeelay, waxaan u baahan nahay waa waxbarasho, ee fadlan, ciidanka iyo cududdiisa kaliya yaan xoogga la saarin, sida hore u dhacday, ee laga dhaxlay halaag uun. Sida tii hore oo kale, dad badan ayaa ka biyadiidsan SALDHIGGA CIIDAN, ee Turkidu ay furanayso, iyaga oon badiil hayn, ka sokow, aanba si maangal ah kuugu sheegi karin waxa ay ka didsan yihiin, marka laga reebo WADDANIYAD ARTIFISHAL iyo maan daxalaysan, oo waxaa ku wada daabacan; dalka ayaa la idinka boobayaa, iyaga oo qaarkood kuwii boobka rasmiga ahaa waday ay la dhacsan qabyaalad awgeed. SALDHIGYO CIIDAN, waxay ku yaallaan dawlado ka mid ah kuwo adduunka ugu dhaqaalaha badan, sida Jarmalka, Talyaaniga, Jabbaan, Koofurta Kooriya iyo meelo kale.

Ku darsoo, Turkigu wuxuu SALDHIG CIIDAN ku leeyahay is la Qadar, oo ah dalwad dhaqaale ahaan aad u wanaagsan, haddana, ka mid ah dawladaha saamaynta ku leh siyaasadda dalkeenna. Xasuuso doorashadii 2012 iyo Xasan Sheekh. Anigu hal baqdin ayaan qabaa, oo aan dhawr dhacdo ka arkay, haddii aan wax laga qabanna, suuragal ay tahay, in ay labada shacab iyo dawladba is ku dhacaan, isna gefaan.

Arrintan ma ahan siyaasad, dhaqaale, xarumo iyo saldhigyo, ee waa arrin DHAQAMEED, oo marar badan keentay is ka hor imaad muwaadiniin Turki iyo Soomaali ah, oo goob shaqo is ku gefay, walxo aan la xiriir shaqo, hawl iyo adeeg. Doqobkan muhimka ah, ee in wax laga qabto u baahan waa DHAQAN. Ka la duwanaasha labada DHAQAN bulsho, ayaa marar badan keenay, keenina doona, in gaar ahaan Turkidu ay u arkaan falal dhawr ah ama badan, oo aan anagu Soomaali ahaan caadi iyo joogto u samaynno kuwo aan la qaadan karin, lana aqbali karin. Aan tusaale ka bixyo qodobbada DHAQAN ee aan ku ka la duwannahay, haddana, dhib keenay, keenina doona;

– JILBA ISASAARASHADA; anaga Soomaali ahaan caadi ayey noo tahay ama aan kali ku fadhinno ama aan koox ku fadhinno. Xafiis aan joogno ama shaahiso aan joognee. Qof naga yar aan la joogno ama qof naga weyn. Masuul ha ahaado qofka samaynaya ama muwaadin. Dhamaan heerarka ay ku dhici karto, ee aan ku samaynno anaga caadi ayey noo tahay, oo qof diiddan, ka didsan ama dood ka qaba bulshada ku ma jiro, waliba mararka qaar waxay ka mid tahay, hannaan habayn, balse, dhanka kale, Turkidu dacwad ma ahane dacwado ayey ka qabaan, walibana qadyaan ayey ka taagan yihiin, oo iyaga dhaqankoodu ma oggola!

– SABARQABSIGA; anaga Soomaali ahaan, miyi iyo magaalo, aqoonyahan iyo aqoonlaawe, ilbax iyo ilxirne, hantiile iyo saboole, rag iyo dumar, dhammaan, marka la is la taagan yahay, in SABARKA la qabso, waa noo caado, oo u ma aragno wax la dhibsado, mararka qaar waxay ka mid tahay, haaneed qurxin, hadday doontana is jooxaarin iyo gasha is qabayn kas u dhici karta ama is ka caadi ah, balse, dhanka kale, Turkidu dacwad ma ahane dacwado ayey ka qabaan, walibana qadyaan ayey ka taagan yihiin, oo iyaga dhaqankoodu ma oggola!

– HADAL DHAGAYSIGA IYO IS KA DHAQAAQIDDA; qodobkan in kasta, oo aysan anaga xitaa caado noo ahayn, oo muqaddas ay tahay, in qofka ku la hadlaya aad hadalka ka dhuuxdo, aadaanna ka dhaqaaqin asoo ku la hadlaya, haddana, marar badan waxaa laga yaabaa, in ay ku dhacdo u la kas la’aan iyo fududaysasho, taas, oo dhacdooyin dhawr ah marka la fiiriyo aysan Turkidu saamaxaad iyo la imaan dulqaad, oo malaha la xiriirta sida ay ugu adagyihiin qodob dhaqameedkaas, aan anagu siyaabo aan u la kac ahayn u sahalsanno, sida in qof amar loo diray, uu inta fahmay is ka dhaqaaqo, isagoon ka falcelin, oo ka dhigan, waan kasay, waana falayaa wixii la ii diray, halka dhanka kale u qaadan karo, war nacnacda naga la tag! Sidoo kale, qof asoo ku la hadlaya, ayaad qoorta dhan u dadabtay, saad aragtay wax ishaada jiitay adoon u qasdin, markaas ayaa qofkii kale asoon kuu garaabin kugu qayliyey, gaar ahaan marka goob hawl iyo la joogo waxqabd.

Qodobbadu intan ku ma eka, ee waxan kuwan u soo qaatay aqoon aan u lahaa iyo ogaal hore aan ku haystay iyo dhacdooyin dhawr ah oo la iiga sheekeeyey oo shaqaalo dhawr ah shaqadooda ay ku waayeen, oo badi wada hoosgalayey qodobbadan, ee aan marna la xiriirin qofka Soomaaliga ah, oo adeegxumo iyo lagu soo eedeeyey habacsanaan. DHAQAN uusan aqoon dartii, isagase DHAQAN u ah ayuu shaqo ku waayey.

Arrintan DHAQAN waxay u baahan tahay, in hab siyaasadeed lagu galo, oo dawladdu ay xil is ka saarto, sidii loo xoojin lahaa is dhexgalka, wadaagga iyo is kaashiga labada dal iyo bulsho. Waxaa muhim ah, in muwaadiniinta Turkidu maadaama ay marti yihiin, si walba, oo ay deeq iyo dheef u wadaan, ay marka hore dhawraan dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed, si ay iyaguna markooda u helaan tixgelin la mid ah.

Waa in maalgelinta dhaqaale, mid ka xooggan lagu sameyaa, in siminaarro, kulammo iyo doodo loogu qabtaa dalkooda inta aysan iman dalka iyo ka dibba, si ay ugu yaraan aqoon iyo ogaal uga haystaan waxa uu yahay qofka Soomaaliga ah iyo dhaqanka uu ku tiirsan yahay. Anaga soomaali ahaan waxaa na looga baahan yahay, in dadkan aan hab dhaw iyo nafsadeed u daraasaynno, si ay noogu suuragsho, in aan danteenna ku dhawranno inta yar, ee goobaha shaqo iyo la is la joogo xarumaha adeeg.

Tan waxaa soo hoosglaya, oo ah tallaabo dawladda looga fadhiyo, in marar badan cabasho ay ka timid, qaabka ay adeegayaasha Turkidu u la dhaqmaan dadka, iyaga oo ay ka muuqato, ISLAWEYNI, KIBIR iyo QAB, oo ah midda ay ku diidaan SABARQABSIGA iyo JILBA ISASAARASHADA, marka waa in la helaa aragti dadnimo, Aadaminnimo iyo walaaltinnimo, ee aysan muuqan marna, in aad naga roon tihiin, markaas aad nagu tumataan, sida aad doontaanna naga yeeshaan! CEEB! Taasi noo ma CUNTANTO! Waad noo gargaarteen anaga oo aad ugu gaajoon, balse, gobonnimo ma ahan, in aad gacansarraynta gugan jirta aad noogu gooddisaan ama aad nagu guhaadisaan.

Abaal badan oon yarayn ayaan idiin haynnaa, ee fadlan noo la dhaqma sidii WAALKIIN, FACIIN IYO ASAAGGIIN, maya, WALAALKIIN iyo WADAAYGIIN. AMMAANKA; Nololi waa ammaan, sida ammaanku nolol u yahay, oo nolol aan amni lahayn nolol ma ahan. Murtidu waata tiraa; “rag gogoshi waa nabad” mid kale; “geelu shafka ayuu fariistaa, ragguna shinsi/dareen la’aan” heestuna waa tii eheed; “nabadaa naas la nuugo leh”.

Muqdisho, magaalo soo martay marxalado ammaan ka la duwan, dawladnimadii hore, dagaalladii sokeeyee, qoqobkii qabqablayaasha, jihaadkii wadaaddada, halaaggii Alshar iyo illaa xilligan aan faallada qorayo, marka waxay qiimeynta ku qotomidoontaa burburka wixii ka dambeeyey iyo maanta sida ay tahay.

Qadkii cagaarnaa, ee magaalada ka la barayey, isu socod la’aantii waqooyiga iyo koofurta magaalada, maalmihii Alshar ay awoodda xooggan ku lahayd, labo gu’ ka hor iyo siday maanta tahay marka la isu fiiriyo magaalada muqdisho boqolkiiba sagaashan waa ammaan, AMNIGEEDUNA waa mid la is ku hallayn karo! La yaab ayey ku la tahay, haddii aadan Muqdisho ku noolayn ama aadan tegin, adoon ku cabbirin aragtida siyaasadeed ee magaalada iyo dalka ka jirta. Haa anigu waxaan qabaa, in magaaladu ammaan fiican oo la is ku hallayn karo ay haysato.

Anigu ammaankeeda ku ma qiimaynayo, mana la barbardhigay magaalo galbeed oo aan ku noolahay ama aan tagay, ee waxaan ku qiimaynayaa duruufaha iyo xaaladaha magaaladu soo martay ama ay ku sugan tahay, ee nololeed. Ammaanka magaalada inuu fiican yahay waxaad ku garan kartaa;

1- Isu socodka dadka; magaalada gees ka gees, dhanka ay dan kaa gasho, ayaad xorriyad iyo xornimo ku tegi kartaa, kuna mari kartaa, adoon cabsi iyo baqdin midna qabin. Xilli waxaa jirtay deegaannada qaar aysan suuragal ahayn, in aad u gudubto, haddii aadan naftaada nicin!

2- Habeen socodka: waxyaabaha ammaan magaalo, deegaan iyo dal lagu qiimeeyo waxaa waxaa ka mid ah habeen socodka, oo ku tusaysa, heerka cabsi inta ay la egtahay. Anigu habeen socod ka sokow, waxaa i soo martay, inaan kowda habeennimo ka dib, aan gees ka gees u ka la socday magaalada.

3- Qaarijinta oo yaraatay: marka la barbardhigo gugii hore ee 2015, waxaa yaraaday, dilkii qorshaysnaa, qaarijintii iyo gaadmadii lagu dili jiray dadka caanka ah, ee bulshada ka dhexmuuqda, ee siyaasiyiin, ganacsato, saraakiil ciidan, waxgarad, wariyayaal iqkb.

4- Dilalkii oo yaraaday: dilalkii badnaa, ee magaalada sida joogtada uga dhici jiray, heer toddobaadyada qaar la dili jiray labaatameeyo ama ka badan hadda sidii hore waa ka yaryihiin. Aniga waa ii ka la soocan yihiin qaarijinta iyo dilalka kale, in kasta oo ay dil isugu imaanayaan, haddana, way ka la fogyihiin, oo midna, aano qabiil, dan dhaqaale, isqabqabsi dhul iyo wuxuu u dhacaa dumar xitaa, halka QAARIJINTU ay kaliya dabada la gasho dan siyaasad iyo istiraajiyadeed, ee qof, qabiil, urur ama dawladi ka leedahay dalka ama qofkaa la dilay.

5- Qaraxyadii: sida ay labada dilal, ee aan sare ku xusay u yaraadeen, waxaa iyana yaraaday qaraxyadii magaalada ka dhici jiray, oo gugan ay ka yaryihiin gu’yaashii ka horreeyey. Hubaal, in qarax walbaa qasaarihiisa leeyahay, haddana, tirada qarax, tayada qarax, qasaaraha ka dhasha iyo qaababkiisaba gugan way ka yaraayeen gu’yaashii hore marka laga reebo tayo qaraxeedkii hotel SYL.

6- Danjirtada shisheeye: magaalada waxaa ka furan, oo dib ugu soo laabtay diblomaasiyiin shisheeye, oo ka furtay danjirto u metesha danaha dalkooda, haba ka furnaadeen hotello, xarunta Xalane iyo meelo kale, haddana, haddii aan ammaan wax u eg jirin ma yimaadeen, oo waxay furan lahaayeen waa hore, in kasta oo marxalad kale lagu jiro.

7- Dib u laabashada dibadjoogta: Dadkii qaxay, kuwo iskood isaga tagay, kuwii buufis uu waday, kuwii aqoon u baxay iyo kuwo kalaba, hadda dalka waxaa dib ugu soo laabtay dibadjoog badan, oo magaalada bilicdeeda qayb weyn ka qaatay. DALKA HA LOO LAABTO!

8- Nolol rabidda dadka: Ka sokow adeegyada hoose ee maamulka dawladda ama gobolku soo celiyey ee la xiriir ammaanka, haddana, waxaa ka weyn, sida dadku u rabo nolol iyo nabadgalyo, oo aad ku garan karto, sida ay u la shaqeeyaan laamaha aammaanka, iyadoon la is ku hallayn karin, oo iyaga qudhooda laga cabsi qabo.

9- Ilaalada gaarka ah: waxaa jira ciidamo jaadad ka la duwan leh, oo ganacsato, hay’ado, danjirto shisheeye iyo hoostaga xarumo ku yaalla magaalada, oo ruqsad iyo oggolaasho ka haysta dawladda, aanse ka amarqaadan, balse, taladoodu ay u madaxbannaan yihiin hadba qolada la siiyey oggolaashaha.

10- Laamaha ammaanka: waxaa dib loo yagleelay hay’adda nabadsugidda, in kasto ay dad badan ku tilmaamaan meel dadka lagu ka la gato. Saylad iyo suuq u furan dadka in lagu iibiyo! Saldhigyada 16 degmo ee magaqlada oo dib u shaqo billaabay, in kastoo hadda ay ka sii bateen intaan ku ogaa.

Dhanka kale, waxaa jira baro “control” ay joogan ciidamada ammaanka, oo Soomaali u badan, halka marar dhif ah aad arkayso ciidanka Afrika. Qodobkan, in kasta oo uu mudnaa, marka maangal iyo maamuus laga hadlayo, in lagu billaabo, haddana, waxaa gadaal u geeyey, cilladdiisa, cuqdaddiisa iyo ceebihiisa oo badan, ayna mar walba ka jiraan cabasho cad iyo caabuq ah ay mar walba dhaliyaan, ayna sabab u tahay hoggaanxumada dalka ka jirta, oo aan qayb gaar ah ku falanqayn doono.

Haddii aadan ahayn qof caan ah ama dakano gaar ah qaba haba ahaato mid aabbe iyo abtir ku timide, amaadan xil sare ka hayn dowladda aadanna xubin ka ahayn afduubta Alshar, si xor ah ayaad u mari kartaa meel walba oo magaalada ah. Dabcan, saacadaha dambe way adag tahay inaad ku cawayso xaafadaha qaar habeenkii, oo waxaa ka jira tuug saqajaan sacaadaha iyo mobilayada dadka ka qaata, hadduu kaa waayana aan waxba ku yeelayn, oo qudheedu ah hormar la gaaray, maadaama la soo maray xilli loo dhiman jiray; maxaad u soo qaadan wax aan kaa furto?! Caqabadda ammaanka ee jirta, uuna qof walba la kulmi karo, waxaa ugu adag;

– Adoo waddo is ka maraya, in qarax ka dhaco, oo baabur walxaha qarxa laga soo buxiyay rumuudka loo taabto.

– Adoo waddo is ku maraya, in is rasaasayn ka dhacdo, qof la beegsanayo ama is ku dhac ciidan.

– In wiil tuute ciidan labbisan uu kugu aabiyooda cillado jira awgood.

– Adoo hotel is ka fadhiya, in qarax ka dhaco, ama la soo weeraro, oo dad u soo shaah doontay ama ku casiriyaynaya ay ku waxyeelloon.

Intaa wixii dhaafsiisan, qatar ammaan magaalada ka ma jirto, balse, waxaan jirin sidii dibadjoogta soomaaliyeed iyo dawladaha shisheeye iyo dunida looga gedi lahaa ama looga dhaadhicin lahaa, maxaa yeelay, sida warbaahinta u tebiso, muuqside (TV), ciyow (radio), mareeg bar internet iyo wargeysba ahaatee iyo waaqica dhabta ah ee magaalada ka jira aad buu u ka la fogyahay.

Nabadgalayada magaaladu wa mid aad uga wanaagasan marka loo fiiriyo sawirka ay soo gudbiso warbaahinta, oo ay ugu horreyso tan Soomaalida iyo tan reer galbeedka.

Magaalada ciidan ahaan waxay gacanta ugu jirtaa dowaladda, ammaankeeda waa la is ku hallayn karaa, oo dowladdu waxay awood u leedahay inay fuliso howlgal kasto oo ay u baahato xilli iyo saacadday doonto.

Qodobkan eeddiisa waxaa leh, sida ay u leeyihiin daldaloolka amnixumo guddoonka gobolka Banaadir, wasaaradda ammaanka, laamaha amniga, wasaaradda arrimaha gudaha iyo wasaaradda arrimaha dibadda.

Aragti la’aanta haysta ayaa iftiin ammaan iyo ilayskii amni ee magaalada ka jiray ku habsaday, oo la haray, gudcurna galiyey.

Anigu aragtidan hadda la ma soo laaban, oo ku dhawaad 4 gu’ sidan ayaan u qabay, xogwaraysi, xuuraansi iyo xaalad dersid aan dad badan la yeeshay, oo isugu jira siyaasiyiin, ganacsato, dad booqasho ku tagay iyo dad aanba meel ka aadin, marka ha is oran aragtidan, waxay ku dhalatay ka dib booqashadisii.

Dibadjoogta waxa ka hortaagan in ay dalka ku laabtaan waxaa ugu adag waa AMMAANKA iyo cabsi ay qabaan iyo mid la galiyey. Maadaama ay la qabsadeen nolol amni ah, oo aan xabbad, qarax iyo lahayn qaarijin way ku adag tahay, intuu ka soo tago noloshaa qobaw, in uu u bareero, in uu is ku biimeeyo magaalo uu cabsi badan ka qabo.

Aadanaha way ku adag tahay, in ay aqbalaan ama qaataan isbadalka si walba ha ku yimaadeen xitaa qaarkood iyagoo huba, in ay wanaag uun ka dhaxyalaan ayeysan oggolaan karin, marka maxaad u malayn kartaa, qofka ku nool magaalo nabdoon, sidee ugu dhiirran karaa, in uu is kaga tago magaaladaa nabdoon, si uu aado magaalo uusan ku hubin nabad xooggan?.

Mid baase jirta ah, shalayba in aan ka wada nimad nabad la’aantaa, qaxarkaa iyo qaxaa, ee waxaa naga sii hortaagan waa macaansiga aan dheehannay xasilloonida badan iyo dareenkeenna oo ay ka baxday la qabsigii shalay ee aan xabbadda iyo dagaalka ku dhexjirnay, ee bal ha la ogaado, dhibka magaalada looga cabsanayo, ee ee ah, in waxyeello na soo gaartay ay meel walba nagu soo gaari karto, in kasta oo ay ka la badan yihiin boqolkiiba inta na gaari karta iyo habka ay noo soo gaari karto.

Dhib ay dadka magaalada aad uga cabtaan, aniguna aan horey ugu arki jiray wax aad u qaabdaran, haddase aan hubsaday, in ay la ma huraan tahay, waa jidadka carro tuurka la dhigay, dhinac laga xiray ama la dhigay dhagxaan waaweyn, oo jidka loogu socon karo hab segseega ah kaliya.

Xarumaha iyo waddoonka caynkaa ah aad ayey u kooban yihiin, oo waa xarumo xasaasi ah ama ay deggan yihiin hay’ado, danjirto shisheeye iyo deegaannada madaxda dawladda, maxaa yeelay, meelahaa waxaa ka dhacay qaraxyada badan, marka si amniga loo sugo, ayaa carru tuurkaa ama hab segseggaa looga dhigay.

Dunidan hormartay, jidadka dadku badan yihiin, ee shilal dhawr ah ka dhacaan, waxaa loo sameeyaa samaaforo, askari jiifa iyo in la xaddido xawaaraha iyo baaburta ku socon karta, oo laga mamnuucaa baabuurta qaar, halka la yareeyo xawaaraha baaburka maraya, marka carra tuurka laamiga dhicniisa yaalla iyo askari jiifa, dhagxaanta segsaagga loo dhigay maadaama aan hormarkaa samaafaro iyo u hoggaansankisu jirin ayaa habkaa laga fursan waayey.

Dibadjooga iyo danniga kaga jira dhinaca ammaanka, waxaa wax ka bedeli kara oo keliya, iney sahan ku tagaan oo ay indhahooda ku soo arkaan waxaa ka jira, iyagoo halkudheg ka dhigayana; “SAHAN HORTII LA MA SOCDAALO” hubaal qofka ku noolaa magaalada waayadii 90meeyadii ilaa sanadihii billowgii 2000 iyo ka dib, gaar ahaan 2006 illaa 2012 wuxuu si dhab ah u ogaanayaa, in isbedel dhinaca ammaanka, bilicda iyo nidaamkuba jiro.

BARASHADA IYO CAAFIMADKA; Waxbarashadu waa ileyska nolosha, kaabaha kasmada, ababinta aqoonta iyo ogaalka, sida ay u tahay hannaaka hormarka iyo hagaagga nololeed, ee bulsho hanato ama hirato. Halka caafimaadku yahay, nolosha ka ilaalinteeda cudur, caabuq iyo cillado, jirro, juuc iyo jajab.

Waxay ka mid ahaayeen barashada iyo caafimadku, waxyaabihii lacag la’aanta ahaa xilligii dawladdii meleteriga, haddana, ma ahayn wax loo sinnaa, oo aqoonta iyo deeq waxbarasho qof walbaa ma heli jirin, sida sargaalnimo iyo dallacsiin ciidan aan is ku si loo wada guddoomi jiray. Dad baa u yaqaan wali BERI SAMAAD! Hadday adiga ama idinka idiin SAMEED, dad bay SUN u eheed, ee salka dhulka dhig! Si walba, in kasta oo aan ujeedku ahayn tagtadii iyo tagrifalkii hore, haddana, labadan il nolol, waxay ka mid yihiin ilaha ay dagaalladu saamaynta weyn ku yeesheen gu’yaashii guhaadda iyo gocorrada guddoonka ku gawriirsadeen.

Halkaa waxaa ku baxay intii yareed, ee la ka la xigay, balse, wax guud ku sheegnaa. Noloshu ma istaagto, haddii aysan go’ine, balse, way gaabisaa, haddii gudub ku yimaade, waxaa dalka ka curtay waxbarasho deeq shisheeye ku tiirsan, durbadiina isu badashay ganacsi iyo lacag, iyada oo wali hesha kaalmadii, deeqdii iyo kabiddii dhaqaale, ee ay shisheyaha ka heli jireen.

Iskuullo, machadyo iyo jaamacado lagu barto aqoonno ka la duwan, oo afafka Carabiga iyo Ingiriiska ku baxa, ayaa dalkii dhan ku baahay, oo badi lacag ah, ayna maamulaan, dad shalay wax ku soo bartay deeq dawlo iyo bulsho Soomaali loo gartay ama is la dugyadii iyo jaamacadihii dalka, in kasta oo ay ku andacoodaan, in ay qasab ku eheed, haddana, hubaal, in ay dhaqaale xooggan iyo lacag badan ka sameeyeen, siiba midda ay dunida ka soo qaadaan. Sidoo kale, dalka waxaa ka hanaqaaday bukaan socod eegtooyin iyo xarumo caafimaad, oo wada lacag ah, qaarkood ay furteen ama ay ka shaqeeyaan dad xilligii dawladda ahaa kalkaaliye iyo shaqaale isbitaal oo kali ah, balse, burburkii ka dib noqday dhaqaatiir iyo qallimiye! May, dilaa! Tayo ahaan aad bay u liitaan labaduba, haddana, waxay dhaamaan la’aan iyo jirid la’aantooda, in kasta, oo ay mar walba tahay qof walba iyo inta uu bartay, ee uu aqoon u leeyahay, maxaa yeelay, jaamacadda Muqdisho iyo Banaadir heerarka dunida ay ka galaan ma xuma, oo ah arrin kuu muujinaysa ardayda iyo abaabulka maamul in soo saarkoodu uusan eber ahayn. Labada qodob, ee aan marna laga indha laabi karin waa tiro badnida, oo ay sabab u tahay fawdada jirta iyo jiha la’aanta aqoon iyo carabaynta bulsho iyo aqoon, oo laxaad in ay ku socotay ka sokow, hadda mirodhashay, maxaa yeelay, hadda, aqoonta, caafimaadka, dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka waxaa gacanta ku haya dad CARABAYSAN ogaal, aqoon, aragti ama ugu yaraan sooyaal ahaan, oo wax ku soo bartay.

Ceeb ma ahan, colna lagu la noqon maayo, in qofku carab wax ku soo bartay, balse, raadka xun ee ay reebtay, rafaadka wali lagu jiro iyo aayaha rogan ee na soo haya ayaa u sabab ah muujinta dhibka CARABEYNTU leeyahay, oo ALSHAR WALDAACISH iyada ayaa dhashay, kuwii ababshay, ayaana maanta is ka dhigaya, in ay yihiin kuwii naga badbaadin lahaa. Tayo la’aanta waxaa ku riday waxbarashada, in aad arkayso, in dugsiyada iyo jamacaadaha ay is ka soo horjeedaan dhisme ahaan iyo magac ahaan, marmarka qaarna aad mooddid micne ahaan, in ay is ku mid yihiin, ayagoo intooda badan wadaaga magaca (AL), halka aad sidoo kale dhabbe qura ku arkaysid shan jaamabad iyo iskuul ama ka badan.

Muqdisho waxaa ka furan ku dhawaad 50 jamacadood, halka dugsiyada sare aysan tiro lahayn, oo luuq iyo laami walba ku yaallaan. Dhanka caafimadka goob walba xarun caadimaad ayaa ku taal, oo waa wada dhakhtar iyo isbitaal, haddana, aqoonyari iyo la’aan ayna wehlsio dawo xumo iyo la’aan, ayna dheer tahay, in qof walbaa uusan awood u lahayn, inuu helo caafimaad iyo dhakhtar, ayaa liiday adeeggii caafimaad, ee aanba markii hore muuq iyo wanaag badan lagu sheegin lagu haysan. Lacagta qaaligeeda ka sokow, waxaa jira, in dhakhtar walba uu wato farmashiye isaga u gaar ah, dawada uu kuu qorona aadan meel kale ka heli karin, ayna u dheer tahay, in is la shaybaarka iyo baaritaannada kale aad ku samaynee kaliya isbitaalkiisa ee aadan mid kale tegi karin.

Magaalada caafimeedka waxaa wax weyn ka badalay Turkida, oo isbitaallo ka furay. Inta aan Turkidu ka furin Ibitaallada Xamar, hore way uga furnaayeen bukaan socod eegtooyin, haddaba, maxaa laga faa’iidi jiray? Baaritaan walba oo aad samayso, waxay jawaabtu noqonaysaa: waxaa ku haya; Tiifoow, Cagaarshaw, Duumo (Mallaariya), Isfiilito, Gooryaan (Jaarda Laambi), Hargab iwm! Ogsoonow, baaritaannada waxaa ku baxda lacag u dhiganta SHAN BOQOL DOLLAR, intaa waxaa dheer, in laguu qorayo dawo dhacday, kaniini suulkaaga ka weyn iyo sun cad! Haddii qof ladan xanuun la soo gudboonaado ama xaalku ku darraado ama QAARAAN qaraabada laga soo aruursho, waxaa bukaanka loogu qaadi jiray Nayroobi ama Dubaay, haddaba, aan is weydiinno; Isbitaallada Turkidu imisa ayey bukaanka ku baaraan? Waxay ku baaraan wax aan dhammayn KONTAN DOLLAR, oo si fiican iyo qalab casri ah lagugu baarayo, dhaqaatiir aqoon lehna ku daweynayaan, haddana, dad baa Turkida la collaysan! Bal maxaa naga maqan oo aan rabnaa?. Aafada afka qalaad iyo Carabaynta waxaad garataa, marka aragto, faca cusub een aqoon u lahayn, sooyaalka dalka, qoraalka afka, xeerarka dhigaalka, hiddaha iyo dhaqanka, suugaanta iyo maansada, haddana, heer sare ka gaaray waxbarashada, markaad wareysatana ku hordhigaya cudurdaar ku deeqa, oo wuxuu kuugu jawaabayaa; anigu ku ma dhigan afkeenna, waxbarashadaydiina weligay lay ma sheegin, marka waad u garaabaysaa, maxaa yeelay, waligii ma arag, goob waxbarasho oo lagu dhigayo wax soomaali xiriir la leh. Xiisadda Soomaaliga macallinka noo dhiga -waaba ayaan u yeeshee- xitaa isagaan waxaad sheegayso aqoonin, ee wax iga weydii arrimaha gacanka carbeed ama reer Galbeedka! Arrintan waxaa sabab ah, manhaj ama hannaan aqooneed la’aanta dalka ka jirta, oo iyana eersatay dawlad la’aanta.

Dhinaca caafimaadka ma jirto hay’ado dabagala oo la xisaabtama aqoonta dhakhaatiirta iyo kalkaaliyaasha, qalabka iyo goobaha caafimaadka tayadooda, dawada iyo waxtarkeeda iyo waxyeelladeeda. Haddii baabuurkaagu qof jiiro, diyadiisa adiga ayaa lagaa qaadayaa, haddii dhagax aad meel dhigtay qof ku jabana, diyadiisa adigaa lagaa rabaa. Haddaba, maxaa diiday, in qofka dawo qaldan la siiyey ama dad aan aqoon u lahayn qalliin ku fuliyeen, ama qalab aan tayo lahayn loo adeegsaday, in diyadiisa laga qaado, dhagarqabaha lacagta ku qaatay inuu dad luggooyo, qalliin qalidna ah ku qaarijiyo! Ma lihi dhammaan goobaha caafimaadka iyo dadka xirfaddaas leh ayaa liita, balse, ma jirto cid la soocda, sidoo kale, iyaga laftooda ma jiro, xiriiryo ka dhaxeeya, oo wada shaqayn ama ay ugu kaalmeynayaan dadweynaha tabarta daran, si ay qiimodhimis ugu sameeyaan, iyagoo hadba xaaladda dhaqaale oo dadweynaha fiiriniya. Arrimahan iyo kuwa kale waa kuwa keenaya saluug iyo niyadjab dhinacyo badan leh, oo hortaagan horumarka iyo hannaanka wanaagsan, in loo maro, tayada iyo tayeynta aqoonta iyo caafimaadka.

Si walba, maanta dalku wuxuu leeyahay jaamacado, machadyo iyo xarumo waxbarasho oo heer walba leh iyo dugsiyo hoose, dhexe iyo sare, ayna wehliso xannaanada carruurta iyo dugsiyada jiifka leh. Sidaa kale, markii dhinac laga firiyo, waa wax wanaagsan, in faca soo koraayaa ay ku garaadsadaan, in ay qalin qaataan, halkii ay ku fakari lahaayeen, in ay qori qaataan ama si qaldam u kuna kori lahaayeen, haddana, waxaan ku jirta dhimaal xooggan iyo dhib facaa kororkooda aqoon iy kocobooda ogaal saamayn ku yeelan doona.

Dhanka kale, haba is ka xumaadaan, ha tayo liitaan hana qaali badnaadeene, haddana, isbitaallada ka furan Muqdisho waxay astaan u yihiin, haddii si wanaagsan loo maareeyo tayadoodana kor loo qaado, in aayaha dhaw laga kaaftoomi karo, in dawo dibadda loo aado, haddii aysan jirin xaalad adag iyo xanuunnada qaar, ee aanba dal walba lagu dabiibi karin. DHAQAALAHA IYO GANACSIGA; In kasta, oo aanan ganacsi iyo dhaqaale waxba ka aqoon, haddana, dhagadhagayntii, la sheekaysi dhaqaaleyahanno iyo wixii aan indhahayga ku arkay anoo ka duulaya, ayaan dhawr sadar ku cabbiridoonaa dareenkayga, marka ha i sugina wax ka baxsan intaa.

Ganacsigeennu waa is ka dhar iyo dhuuni iibin. Cunto la cuno iyo calal gashto. Marka la barbardhigoa horumarka adduunka ka sameeyay ganacsiga qaybihiisa ka la duwan, keennu wali wuxuu taagan yahay qarniyadii dhexe iyo waayihii hore. Gaddisleey. Haddii aad dalka keento adeeg aan hore uga jirin, labo maalin ka dib, waxaa beledka dhan qabsanaya adeeggii, oo meel walba lagu iibinayo, oo kugu keenaysa, inaad albabbada isugu dhufatid, haddii aadan u babac dhigi karin tartankaa tafojarka ah.

Dhanka kale, dhaqaalexumo iyo shiid ba’an ayaa dalka ka jira, oo sababta ugu weyn tahay shaqo la’aan iyo dhaqaalihii iyo ilihii dhaqaalaha oo gacanta u galay dhawr qof, oo u badan wadaaddo, aan danyar iyo bulsho u naxayn. Waa hallkuu indheergarad Cabdulqaadir Cismaan “Aromo” Alle ha u naxariistee ka yiri: “Wadaad tuugsada, Wahaabi shaqaybta ayaa badalay!”.

Si la mid ah waxaa dhaqaalaha la haysta xaaraan ku naaxyo iyo kuwo ka hodmay fawdadii dalka ka jirtay, ee aan waligood cabshuur dawlo iyo sako diin midna bixin, oon samofal iyo aqoon sadaqobixin. Maanta si aad gacansi u abuurto kugu ma filla wax ka yar 100kun oo dollar, ganacsiyada qaar, nus milyan iyo ka badan ayaa laga hadlayaa, haddi kale waa inaad furataa; ganacsi saqajaan waxa loo yaqaan, sida dabakayo ama timojire iwm.

Badi iibinta gacansi, ee dalka taal waa mid dhoof lagu keeno, marka laga reebo tiro yar oo qudaarta u badan oo ka soo go’da beeraha. Waxaa jira waxsoosaar wershedeed oon sidaa u sii buurnayn. Dhanka kale, waxaa jira caqabado badan oo ganacsiga iyo ganacsata haysta, oo ay ka mid yihiin:

A. Aqoon la’aanta ganacsatada ka haysta ganacsiga

B. Dowlad la’aan ama xumi

C. Tartanka iyo qoondo xumida ganacsada dhexdeeda

D. Maaliyadda ama lacagta.

E. Lacag qaran oon jirin Waxaa jira gancasato faro ku tiris ah, oo awood u leh inay buuxiyaan ganacsiyada maqan sida; qandaraasyada dib u dhiska dalaka, aas aasida warshado wax soo saar leh oo waawayn ama buuxin kara halka maanta ay iskaashatooyin shisheeye ka hawlgalaan sida FAVORI oo maamusha garoonka dekedda Muqdisho, balse, taa bedelkeed ku soo laabtay ganacsiyadii yaryara sida:- Caanaha xoolaha, badeecada daruuriga ah ee dhoofka lagu keeno sida sonkorta, iyagoo samayn kara warshaddii sonkorta, dharka la xirto, biyaha la cabo ee sifaysan iwm. Sidaa oy tahay, magaalada waxaa ka jira dhaqaaq xooggan, oo ganacsi, oo meel walba waxaa laga furayaa dukaan, bakhaar, hotel, xarun ganacsi iwm, oo dhammaan wada maalgelin ganaci iyo dhaqaale ah.

Tan mar waa mid ku rajogelinaysa, marna ku quusinaysa. Marka hore waa il dhaqaale oo furmaya, shaqo abuur iyo kashin billow ah, oo lagu harmin karo ganacsiga iyo dhaqaalaha dalka, marka kale, maadaama amni jilacsan, agaasinxun iyo adeeg dilan ay saldhig ku yihiin waxay ku dambayn dabargo’ iyo duugow.

SIYAASADDA; In kasta, oo magaalo weyn, waliba sida Muqdisho xarun dal iyo xuddan bulsho ah, aan waxa aad ku aragto la la wada dhici karin, lagana wada heli karin, haddana, anigu magaalada waxaan ku fiirinayey indhaheeda, ee marna ku ma dammoon arag shisheeye iyo il maqane, taa oo malaha iga qarisay ceebaal badan oo laga sheego ama aanba aan kas isaga qariyey anigu.

Intii aan magaalada joogay, waxa keliya ee iga degi waayey, iina laqmi waayey, quustii aan qabay, quusyaal iigu sii daray, waxay ahaayeen siyaasadda iyo siyaasiyiinta; aqoosha iyo aqooliyayaasha. Aqoolxumo abaar ka badan murti bay eheed. Dhib hadduu nagu dhacay, dhimaal haddii na haleelay, dhabarjab hadduu na gaaray, dheelli hadduu na galay, dhulkeen haddaan ka qaxnay, dhimasho badan haddaan isu gaysannay, dhaawac badan haddaan is ku dhufannay, dhalanteed badan haddaan is daawasiinnay dhammaan intaa iyo ka sii badan waxaa u sal ah aqoolxumada na heshay iyo aqoolin la’aanta na haleeshay.

Hannaanka dawladnimo ee la lababayo, maamullada la dhisayo, gobollada la isu jarjarayo iyo is diidka awood qaybsi ee beeleed, si walba oo ay u fal iyo foolxun yihiin, iyada oo aan ahayn aragtidii bulshada ka dhalatay, haddana, waxaa sii foolxun, marka aqooliyayaal aan aqool waxba ka ogayn aayaheennii ka arrimiyeen hore, hadda iyo hadaha soo socdaba, haddana aqoon sheegtaan.

Leexadka galay aqoolwadaagga dalka waxaa u horseedday koox yar, oo marooqsatay awooddii bulshada, ka dibna laalay wax walba oo dhalin kara dookh iyo doorasho, ayna dhacday aftidiid iyo afduub, lagana dhaxlay burbur iyo baaba’, barakac iyo baaruud baabbah ka dhigay dad iyo duunyo.

Wixii xigay is ka waraysi ma lahan, heer diintii iyo wadaaddadii daraf ka noqdeen, waliba ka dacar iyo daacuun bateen wixii ka horreeyey oo dhan. Intii aan dalka joogay ayaa wadaayo dhawr ah I weydiiyeen, sida aan u arko xaaladda dalka. Waxan ugu soo gaabshay aragtidan leh; “Dalka hormar dhan walba ah ayaa ka jira, balse, wali waxaa hooseeyaa hormarinta “DADKA”.

Micnaha sida gacansiga loo maalgelinayo, DADKA loo ma maalgelin!” Inta mehered ee dalka ka furan, waxaa ugu liita, uguna ligan meheradda AQOOLINTA (SIYAASADDA), haddana, saas oy tahay, waxaa u wada shaqotagay, oy u furan tahay dadka oo dhan, waliba in aan garashadeed, guddoonkeed, go’aankeed, gunudkeed iyo gu’yaasheed midna lahayn. Gocor iyo gacay ayey u gacanshay. Sedbursi, silac, sun iyo sabooleyn bulsho ayey summad u noqotay SIYAASADDU, iyadoon lagu sirmin, la is kuna siro, haddana, safaf dhaadheer iyo waxaa loogu jiraa socdaal aan dhammaad lahayn. Sunuud iyo waxaa lagu baxshaa shilimaad badan, si saldhig loogu yeesho, loogana yeesho. Sulsul iyo salal isa suran! Wax walba oo xumaan ah nimankaa gafuurrada xunxun, ee garaadlaawayaashaa ah, ayaa u sabab ah, ee bal si sidan lagu jiro looga baxo, aan dhaqan iyo dhur wixii aan lahayn u laabanno, si DHIMAALKA DHAQAN ee jira is ku dhan looga soo wadajeesto. Qormadan waa qaybta u dambaysa, qormooyinkii dhawrka ahaa, ee MAALMAHAYGII MUQDISHO.

Waxaan ku xijindoonaa qormo dhiirrigelin u ah dibadjoogta, gaar ahaan kuwooda gu’yaal badan dalka ka maqnaa, ee aan marna dib ugu laaban.

Dhammaad.

Faafin; 2017

Bashiir M. Xersi brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/